Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal kula yeeshay magaalada Addis Ababa, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, iyagoo kulanka diiradda ku saaray xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo iskaashi horumarineed ee heer gobol.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo Xireenka Ethiopia (GERD) oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah madaxda dalalka gobolka.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo looga hadlayey arrimaha la xiriira maalgelinta hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley Shirweynaha 2aad ee Cimilada Afrika, isagoo isla markaana kulamo gaar ah la yeeshay Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya,William Ruto.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, isaga oo xusay muhiimadda iskaashiga qaaradda Afrika ee xal-u-helidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada.
6- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PhD) inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda mahadcelinta hawlwadeenada imtixaanka qaranka ee 2024–2025-ka iyo xiritaanka tababarka macallimiinta qaranka iyo biowga sannad-dugsiyedka 2025/2026.
8- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka degaanka ayaa jab xooggan u geystay maliishiyaadka Khawaarijta Al Shabab oo isku dayey inay soo weeraraan degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah Bin Salem Al-Nuaimi.
11- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho kula kulmay Agaasimaha Barnaamijyada Horumarinta Dowladda Ingiriiska (FCDO), Mudane Chris Pycroft.
12- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Aljeeriya Cazuuz Nasri.
13- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray dhismaha Waddada Daarusalaam, wejiga labaad, oo si casri ah loo dhisay.
14- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir fogaan-arag ah (virtual meeting) la yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Sare ee Qaramada Midowbay u qaabbilsan La-dagaalanka Argagixisada (UNCTED) Marwo. Natalia Gherman.
15- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxamaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa kulan la yeeshay Dr. Rukaya Mohammed, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha haweenka (UN Women) ee Soomaaliya.
16- Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Marwo Nuura Mustafe Mukhtaar ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb-gashay shir looga hadlayay tacliinta sare ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
17- Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymo ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday guryo shacabka ay deggan yihiin.
18- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha Sannadlaha 63-aad ee Ururka La-talinta Sharciga ee Afrika iyo Aasiya (AALCO), kaas oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
19- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa magaalada Aljeris kulan kula yeeshay Wasiirka Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, iyo Kalluumaysiga ee Aljeeriya, Mudane Youcef Cherfa.
20- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) aya kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ,Francesca Di Mauro iyo Ku-Xigeenkeeda Karin Gatt-Rutter.
21- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 80-sano guuradii ka soo wareegatay guushii Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay ka gaartay dagaalkii ay la galeen Japan, Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada St. Petersburg ee dalka Russia kaga qeybgaley Madasha Caalamiga ee Dhaqanka iyo Diblomaasiyadda.
23- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu sagootinayay xubnaha guddi loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan dib-u-habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.
24- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xarigga ka jaray garoon diyaaradeed oo ay shacabka degmada Buur Hakaba si isku-tashi ah u dhisteen.
25- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka bini’aadannimada ee dalka.
26- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Aadan (Geesood) ayaa ka qeybgalay furitaanka Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika (Intra-African Trade Fair) oo lagu qabtay dalka Aljeeriya.
27- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga ee Koonfur-Galbeed oo looga hadlay xaqiijinta amniga iyo adkaynta sharciga ciidanka.
28- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyey saraakiil ka socotay Ciidamada Dowladda Masar oo safar shaqo ku yimid dalka.
29- Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax oo ahaa maskaxdii ka dambaysay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta kaas oo lagu beegsadey kolonyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu diley deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.
===========DHAMMAAD==========