Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay qodobbada ka soo baxay Gogosha Wadatashiga Qaran, wuxuuna sheegay in wadahadalladu ay furan yihiin, siina socon doonaan si loo adkeeyo midnimada, wadajirka dalka iyo gaarista go’aamada masiiriga ee heer qaran oo loo dhan yahay,

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimihii hore Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay la tashadaan shacabka oo ay dhageystaan aragtiyadooda, lagana fogaado waxa ay shacabka dhibsanahyaan.

5- Madasha Wadatashiga Qaran oo looga dooday mustaqbalka siyaasadeed ee dalka , adkaynta midnimada qaranka, dhameystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xoojinta dowladnimada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kadibna laga soo saarey war murtiyeed.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayey Gogosha Wadatashiga Qaran ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ansixisay sharuucdii ugu badnaa ee dowlad-dhiskeenna lama huraanka u ahaa.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo sannadkan ay u fadhiisteen in ka badan 39,000, arday oo ku kala sugan gobollada dalka.

8- Safaaradda Soomaaliya ee Waddanka Türkiye ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iiraan ku wargelisay in ay u fududeynayaan ciddii doonaysa in ay ka soo baxdo, colaadaha halkaa ka socda awgood.

9- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar ayaa booqday Kulliyadda Ciidanka Lugta ee Ahmed Bin Mohammed Military College.

10- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho ka furay shirka wadatashiga dib-u-eegista siyaasadda qaranka ee maareynta musiibooyinka.

11- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

12- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Adam, ahna Guddoomiyaha Ururka ReSCo oo ay ku mideysan yihiin 14 dal oo Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa shir guddoomiyey shirka heer wasiir ee Ururka ReSCo.

13- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Caddaala ayaa sheegay in heerka amni ee magaalooyinka Soomaaliyeed uu si toos ah ugu xiranyahay sida shacabka magaalo kasta u qaateen mas’uuliyadda ilaalinta amniga iyo sida ay ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

14- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa sheegay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu yahay guddi madax banaan oo aanay dowladdu wax faragelin ah ku sameyneyn.

15- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa si rasmi ah u saxiixay qaab-dhismeedka cusub ee hay’adda, kaas oo hagaya jihada shaqo, maareynta waaxyaha, laamaha iyo horumarinta adeegyada hay’addu bixiso.

16- Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya Yuusuf Axmed Xasan ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Aljeeriya, Kouidri Chakib Ismail.

17- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa si shir guddoomiyay kulanka Guddiga Hagista ee Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah Marxaladdiisa Labaad (JPP II).

18- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Balugga ah Axmed Xasan Aadan iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayaa kalluumeysiga Soomaaliya.

19- Guddiga heer qaran ee qabanqaabada munaasabadda maalmaha xoriyadda iyo midnimada ayaa yeeshay kulamadooda caadiga ee diyaargarowga munaasabadahaasi qaran ee 26-ka June iyo 1-da Luuliyo.

20- Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Mawliid,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga ganacsi ee labada dal.

21- Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Difaaca ee Qatar Mudane Sucuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Aala Thaani.

22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali ayaa kormeer ku tagay xarunta dhexe ee wasaaradda oo ay ka socoto dhismaha cusub ee waasaaradda ee sida casriga ah loo dhisayo.

23- Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ayaa si rasmi ah u dhameystirtay dhismaha buundada casriga ah magaalada Garoowe ee maamul gobaleedka Puntland.

24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka qeyb galay kulan wacyigelin oo ku saabsan diiwaan gelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah.
25- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgallo lagu beegsaday Khawaarijta Al-Shabaab oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

26- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qeybgalay qado sharaf uu Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya ,Danjire Alper Aktas , uu u sameeyay madaxda iyo shaqaalaha markabka sahanka shidaalka ee Oruc Reis,.

27- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yusuf Mohamed ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccò Coppi.

28- Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ayaa si rasmi ah u shaacisay dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka iyo macdanta ee lagu sameeyay qaar kamid ah xeebaha Soomaaliya.

29- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ,ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Maxamed Cabdullaahi Abubakar u magacaabay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

30- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Aadam ayaa dalka Tunisia uga qayb galay shir heer caalami ah oo looga hadlay caafimaadka aadanaha, xoolaha, deegaanka iyo deegaanka dabiiciga ah.

31- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Dhiirrigelinta Dhoofinta Wax-soosaarka Dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

32- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya , Maxamed Al-Saciid Axmed.

33- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasin Sheeekh ayaa ka qeyb-galay Shirweynaha 30-aad ee arrimaha isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). oo ka dhacay caasimadda kuunfurta Sudan ee Jubba.

34- Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa degaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa dilay 25 maliishiyaad oo ka tirsan Khawaarijta kadib hawlgal milateri oo degaankaasi ka dhacay.

35- Kooxda Arxan-laawayaasha Khawaarijta Al-Shabaab ayaa qarxisay Buundada deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ahayd buundo dadka dageenka isaga gooshi jireen.

36- Ibraahim Nuur oo loo yaqaano (Farxaan) kana tirsanaa kooxda argagixisada ayaa isku soo dhiibay laamaha amniga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

37- Cabaas Maxamed Hool oo u qaabilsanaa argagaxisada shirqoolada iyo dilalka ka fuliyaan Koonfuurta Soomaaliya ayaa u dhintay dhaawac hore oo ciidamada dowladdu gaarsiiyeen.