Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, isla markaana jeediyay khudbad uu uga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

2-Madaxweyhe Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka magaalada Muqdisho kala qeyb galey tukashada Salaadda Ciidul Adxa.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah casuumaad ugu fidiyey madax ay ka mid yihiin: madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore, ku-xigeennadooda, guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada hore ee baarlamaanka, iyo madaxda dowlad-goboleedyadii hore inay ka soo qeyb galaan kulan sare oo wadatashi ah oo magaalada Muqdisho ka dhici doona.

4-Madaxweynae Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaan-geliyey.

5-Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Britain u fadhin doona Soomaaliya Danjire Charles King.

6-     Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga ee ka dhexeeya labada dal.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxaa

8-Ra’iisul Wasaare  Xamsa Cabdi Barre ayaa booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta ee dalka Djibouti oo ahayd halkii lagu soo  dhisay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, sanadkii 2000.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wadahadley xiriirka labada dal, arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha  iyo xaaladda gobolka.

10-Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magaacabista Taliyaha cusub ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad.

11-  Golaha wasiiradda oo yeeshay kulan diiradda lagu saaray qiimeynta amniga dalka iyo diyaar-garowga munaasabadaha ciidda, toddobaadka xorriyadda iyo  imtixaanka shahaaddiga ah ee heer qaran.

12-  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, Rasaasta iyo Ka Hortagga Qaraxyada Macmalka ah  oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

13-  Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbeddelka Cimillada oo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada   soo qaban-qaabisay.

14-  Wasiirka Gaashaandhigga  Axmed Macallin Fiqi  ayaa  la kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Talyaaniga, General Luciano Portolano oo booqasho ku yimid dalka.

15-  Dowladda Soomaaliya ayaa markii  ugu horraysay ku  guuleysatay xubinnimada Golaha Fulinta ee UN-Habitat, taasoo qaabilsan Qorsheynta Magaalooyinka & Maareynta Dhulka iyo Wax kaqabadka Cimilada.

16-  Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa  dhagax dhigay dugsi waxbarasho oo gaar u ah gabdhaha Soomaaliyeed oo laga dhisayo magaalada Muqdisho.

17-  Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta  Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa guddoomiyay kulanka guddiga qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada ee sannad guurada  65-aad ee 26-da Juun iyo 1-da July .

18-  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaaalada Geneva ee dalka Switzerland , halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Shaqada ee Turkiga Prof. Dr Vedat Işıkhan.

19-  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yusuf Mohamed  Aadan ayaa magaalada Geneva uga qeybgalay  Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Caalamiga ah oo looga hadlay   mabaadii’da aasaasiga ah iyo xuquuqda shaqaalaha

20-  Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi  Cabdullaahi ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka, Marwo Valentina Matvienkog.

21-  Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa kulan gaar ah la yeeshay masuuliyiin  ka socotay   hay’adaha amniga dowladda iyo wakiillo ka socday Hay’adda Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

22-  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo   Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa si’ wadajir ah u fuliyay laba duqeymo  oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta  ee Daacish.

23-  Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  ayaa ku wareejisay seddax gaari oo cusub oo nooca gargaarka degdega ah, maamulka caafimaadka ee Gobolka Hiiraan.

24-  Wasiirka Maaliyadda  Biixi Iimaan Cige  ayaa  ku guuleeystay  abaal marinta Wasiirka Maaliyadda ee Afrika 2025-KA  oo ay bixiso African Leadership Magazine, kaddib, codeyn dhanka online-ka ka dhacday.

25-  Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mohamoud Adan Geesood  ayaa magaaladda Arusha ee dalka Tanzania ugu  qeyb-galay shirka meertada 46-aad ee Golaha  Ganacsiga, Warshadaha, Maaliyadda, iyo Maalgashiga ee Ururka Bariga Afrika.

26-  Wasiiru Dowlah Beeraha iyo Waraabka  Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa ka qeyb-galay  shirka ( IFAD Innovation Day 2025)  uu soo qabanqaabiyeey  Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee IFAD oo ka dhacay Talyaaniga.

27-  Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa  warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yemen.

28-  Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka  Marwo  Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa  u  furtay Imtixaan  qoraal ah xubnaha u tartamaya Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

29-  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas  Odawaa Yuusuf Raage, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Talyaaniga, General Luciano Portolano, oo booqasho rasmi ah ku yimid  dalka.

30-  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay eedeysane Maxamed Xasan Aadan, oo ku kacay falal marin habaabin bulsho iyo sumcad xumeyn uu u geystay Ciidamada Qaranka.