1- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul Iftaa, waxaana uu tilmaamay in xaruntan noqon doonto mid bulshada u iftiimisa masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay.
2-Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad uu xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo tan Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
3-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo horumarinta Sharciga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
4-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan is-xogwaraysi ah la qaatey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.
5-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer ku tagay Wasaaradaha Warfaafinta, Kalluumaysiga, Qoyska iyo xuquuqul insaanka ,Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, halkaas oo lagu siiyay warbixino la xiriira shaqada hay’adahaasi.
6-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday musharaxnimadeeda Kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) ee muddo-xileedka 2025–2028-ka.
7-Wasiirka Arrimaha DIbedda Danjire Axmed Maccalin Fiqi ayaa gaaray Magaalada Kampala ee dalka Uganda halkaas uu ugu qeybaglayo Shir Madaxeedka Gaar ah ee Midowga Afrika ee looga hadlayo Barnaamijka Horumarinta Beeraha ee Qorshaha Guud ee Afrika (CAADP)
8-Wasaaradda Beeraha ayaa kulan dood ah Muqdisho ugu qabatay qaar ka mid ah dhallinyarada leh hal-abuurka ganacsiga ee beeraha.
9-Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dahir Shire ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan oo looga hadlayay sugidda ammaanka magaaloyiinka gobolka uu ka kooban yahay.
10- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali- Xoosh ayaa booqasho ku tagay Xarunta Hay’adda SoDMA, waxaana uu bogaadiyay shaqada ay u hayso dadka ay waxyeellada ka soo gaareen abaaraha iyo fatahaadaha.
11- Wasiirka Arrimaha Dibedda Danjire Axmed Macallin Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday safaaradda Hindiya ee Nairobi ayaa kala hadlay sidii warqadaha dal ku galka loogu fududeyn lahaa shacabka Soomaaliyeed ee caafimaadka u tago dalka Hindiya.
12- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre ayaa u magacaabay Maxamed Saciid Cali inuu noqda Guddoomiyaha Ku-Meel Gaarka ah ee Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaliyeed.
13- Wasiirka Degaanka iyo Isbeddalka Cimilada Bashiir Maxamed Cabdi ayaa Warbixinno ku sabsaan Fatahaada iyo Isbeddelka Cimilada ka dhageystay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle.
14- Wasiirka Batroolka Daahir Shire, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa magaalada Beled Weyne uga qaybgalay salaada janaasada askartii ka tirsaneyd Ciidanka Xoogga Dalka ee dhawaan lagu dilay degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
15- Ggudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa shir guddoomiyay kulanka amniga caasimadda oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.
16- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday qiimaha lacagta Xajka sanadkan lagu tagaaya oo gaareysa 4,604 ( Afar kun lix boqol iyo afar dollar).
17- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socday Qaramada Midoobay oo uu horkacayay Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee dhinaca gargaarka George Conway.
18- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Dhuhulow ayaa kulan la yeeshay diblumaasiyiin ka socotay Safaarradda Hindiya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
19- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulamo la yeeshay Danjireyaasha dalalka Mareykanka, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya.
20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa u hambalyeeyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA oo u dabaaldegtay sannad-guuradeedii 61-aad oo ku beegnayd 5-ta January.
21- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca ee Masar AbdulMajir Saqr.
22- Qaar kamid ah culumada diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa baaq nabadeed u jeediyay beelaha walaalaha ah ee dhawaan dagaalo ku dhexmartay qeybo ka mid ah dalka.
23- Heshiis horudhac ah oo laga gaarey colaad u dhexyesay laba beelood oo dhawaan uu dagaal hubeysan ku dhex marey Gobolka Mudug.
24- Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Cirka ee ee Maraykanka oo ka dhacay deegaanka Beexaani ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta .
25- Wasiir Ku-Xigeenka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa magaalada Kuwait kaga qeybgakey Shirka Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (Arab Planning Institute) ee 2025-ka.
26- Guddoomiyaha Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xassan ayaa ka warbixiyay qorshaha guddiga ee qabsoomidda doorashooyinka dalka.
27- Wasiirka Beeraha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galay shir looga hadlayay istaraatiijiyada Beeraha dalalka Midowga Afrika.
28- Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan la yeelatey Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.
29- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa hawlgalo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta ka wada degaanno hoostaga degmooyinka Buulaburde iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan.
30- Qaar ka mid ah haweenka ururrada bulshada rayidka ayaa dowladda ku taageeray in guriga Hooyooyinka lagu wareejiyo Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.
31- Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlay, daah-furnaanta maaliyadeed ee hay’adaha dowladda, Shirkan waxaa ka soo qeybgaley Hantidhowraha Guud ee Qaranka iyo Agaasimayaasha Guud ee hay’adaha dowladda.