Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macluusha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamiyeen abaaraha soo noqnoqday.

2-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane ,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika oo ay marti-gelisay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo, Giorgia Meloni.

3-Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa cambaareeyay weerarkii fulaynimada ahaa ee ka dhacay Xarunta Tababarka Ciidanka ee Jaalle Siyaad, waxaana uu saraakiisha ciidanka faray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo.

4-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa dalka Tanzania kaga qeybgelaya shir madaxeed looga hadlayo horumarinta karaanka bulshada.

5-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika.

6-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay xildhibaannada labada aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Daressalam kulan kula yeeshay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Tanzania.

8-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeeray isbitaalada ay ku jiraan askartii ku dhaawacantey weerarkii Khawaarijta ay ku qaadeen mid ka mid ah xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

9-Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay in horumar ballaaran laga sameeyay, lana xaliyay khilaafaadkii ka taagnaa Gobolka Gedo.

10-Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lagu gorfeeyay amniga guud ee dalka iyo dib u habeynta hannaanka maamulka dowladnimada casriga ah.

11-Guddiyada kala duwan ee Baarlamanka Federaalka oo wada xog wareysi ay la yeelanayaan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka.

12-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa sheegay in dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay adeegga gaadiidka xajka.

13-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar kulan kula qaatay taliyaha militariga dalkaas General Saalim bin Xamad bin Maxamed Al-naab.

14-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Xildhibaan Biixi Iimaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka warbixin ka siiyay sharciga Hanti Dhowraha Guud,oo horyaal Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka.

15-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in uusan jirin wax xariir diblamaasiyadeed ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Iiraan.

16-Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa daahfuray dhaqan-gelinta heshiiska hubinta shixnadaha dalka yimaada.

17-Wasiirka Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo boqasho ku jooga Djibouti ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Djibouti Mudane Ilyas M. Dawaleh iyo Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD.

18-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tababar u furay 30 Saxafi oo ka kala socday wakiilada warbaahinta qaranka ee gobollada dalka iyo Gobolka Banaadir.

19-Wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya Maxamed Barre ayaa hortagey Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Aqalka Sare Baarlamanka Soomaaliya.

20-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa aaladda fogaan-aragga kulan muhiim ah kula yeeshay Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

21-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarigga ka jaray suuq cusub oo laga hirgeliyay magaalada Dhuusamareeb.

22-Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka oo cambaareeyay ka weerarkii argagixisonimo ee Khawaarijtu ka geysatey xerada Ciidamada Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho.

23-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si wadajir ah ugu daah furay Shirweynaha Wadatashiga iyo Wadashaqeynta Booliska iyo Bulshada.

24-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa wadda dhageysiga dacwad musus-qmaasuq oo loo heysto saraakiil ka kala tirsan Wasaaradaha Maaliyadda, Shaqada, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

25-Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto 36 ajaaniib ah.

26-Taliyaha Ciidanka Boliiska oo furay shirka saraakiisha booliska heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

27-Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal cirka iyo dhulka ah oo ka dhacay Galcad oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

28-Ciidanka Xoogga oo deegaanka Jameeco ee gobolka Baay ku dilay 15 Khawaarij ah.

29-Ciidanka Xoogga oo burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayeen degaanno hoos yimaada degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

30-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalo ay ka fuliyeen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ku dilay 25 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

31-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo halkaa ku dilay laba xubnood oo sare oo Khawaarijta Al Shabab ka tirsanaa.

32-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta Galmudug ayaa tababar ku saabsan kor u qaadista doorka gabdhaha ee maamulka hay’adaha warbaahinta ku qabatay magaalada Dhuusamareeb.

33-Agaasimaha Guud ee ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ) Mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayay habsami u socoshada howlaha iyo adeegyada bixinta Baasaboorka ku tagay Xarumaha ay hay’addu ku leedahay degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis ee Muqdisho.

34-Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabbilsan arrimaha Somaliland Mudane, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulamo wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.