Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo jaaliyadda Soomaalida ee dalka Norway kula hadlayey magaalada Oslo ayaa ka warbixiyay xaaladaha siyaasadda, dagaalka Khawaarijta, arrimaha dastuurka iyo dib u dhiska dalka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Oslo kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Mudane Jonas Gahr Støre, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada da.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa si wadajir ah u shir u guddoomiyay Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum oo ka furmay magaalada Oslo.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada ee Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka na la ah.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa   daahfuray kulan lagu soo bandhigayeey warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta khasaarahii ka dhashay fatahaadihii iyo daadadkii El-Niño ee sannadkii hore.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan magaalada Kismaayo ee Jubbaland ay ku yeesheen Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Jubaland.

8- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhowaad 50 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay dagaalka ka dhacay degmada Ceel dheer ee gobolka Galgaduud.

9- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macalim Maxamuud ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay Wasiirrada Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada, kulankaas oo bilow u ah bilaabidda la-tashiyada shanta cutub ee Dastuurka KMG ee lagu sameynayo dib-u-eegista farsamo kuwaas oo laga fulinaayo dowlad goboleedyada dalka.

10- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa kulan magaalada Geneva  kula kulmay Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah Mudane Gilbert F. Houngbo.

11- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daahfuray dib-u-dhiska iyo casriyeynta lagu sameeyey Taliska Qeybta Guud ee Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka.

12- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa meelmariyey qodobbo la xiriiray dib-u-eegista Xeer-nidaamiyaha Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Heshiis Is-afgarad oo dhanka Iskaashiga Siyaasadda ah oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Norway.

13- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS. Marwo Fardowsa Osmaan Cigaal ayaa Xafiiska Wasaaradda ku qaabishay Safiirka Dowladda Talyaaniga Ee Soomaaliya Ambassador, Pier Mario Dacco’ Coppi.

14- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Jihaynta Nidaamka Maareynta Maaliyadda,Kheyraadka iyo xubnaha deeq bixiyayaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya.

15- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya Mudane Towfiiq Binu Fowsaan.

16- Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxamaan  Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa soo dhaweeyay dib-u-bilaabista mashaariicda horumarineed ee horay uga socday Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland hakiyay laakiin hadda ogolaaday in dib loo bilaabo.

17- Wasiirka Isgaarsiinta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Aaden Macalin Cali (Soomaali) iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadajir ah magaalada Nairobi uga furay shirka xoojinta Mashruuca Iskuxirka Digitalka ee Bariga Afrika.

18- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Xuska Maalmaha Xorriyadda ee 26 Juunyo iyo 1-da Luulyo Mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa shir guddoomiyay shir ay yeesheen xubnaha guddiga oo looga hadlayey diyaargarowga xuska maalmaha qaran.

19- Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Laandheer ee Waqooyiga Galgaduud.

20- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa helay meydad hor leh oo Khawaarijta Al Shabab looga dilay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

21- Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyeey 19 eedeysane oo loo heysto in ay baraha bulshada ku faafiyeen hadallo kicin bulsho ah iyo falal kaloo dhaqankeenna lid ku ah.