Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

2-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

3-Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadahadalo la xiriira iskaashiga labada dal ku yeeshay Nairobi, isla markaana ku kala saxiixday heshiisyo iskaashi.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa  furay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan kobcinta iyo horumarinta dhaqalaha dalka, isla markaana sheegay in hadaflka dowladda uu yahay in laga mira dhaliyo dadaallada ku aaddan horumarinta dhaqaale loo dhan yahay oo xasilloon.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah  la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanayd Soomaaliya Catriona Laing oo soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

7-Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo la xiriira iskaashiga garsoorka iyo soo wareejinta dembiileyaasha xukuman ee xabsiyada ku jira.

8-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Banjul ee Jamhuuriyadda Gambia kaga qeybgaley Shir Madaxeedka waddamada Islaamka.

9-Ra’iisul WasaareKu-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Banjul kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mudane Hakan Fidan, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal.

10-Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daahfuray Shirka U Qareemidda Daryeelka Bulshada ee Mashruuca SAGAL oo ka furmay Muqdisho.

11-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa soo saartay digniino sheegaya inay dhacaan fatahaado saameyn ku yeelan kara degmooyinka dalka qaarkood, sida; Dolow, Luuq, Buaale, Jilib, Baled Weyne, Buulo Burde, Jalalaqsi, Mahadaay, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo  aanu webiga marin.

12-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa saxaafiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska maalinta caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda ee 3-da May.

13-Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Daniraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Coppi.

14-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mike Nithavrianakis, kana wadahadley barnaamijyada dib u xoreynta, xasillinta iyo soo kabashada hore, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha doorasho ee dowladda Soomaaliya.

15-Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa kulan la qaatay shirkadaha bixiya adeegga biyaha ee magaalada Muqdisho.

16-Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa  kulan la yeeshay mas;uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

17-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa kormeeray xarunta Guddigga Doorashooyinka Qaranka, isagoo warbixin la xiriirta howlaha socda iyo qorsheyaasha ka dhageystay howlwadeennada guddiga.

18-Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda TIKA Turkiye ee Soomaaliya Mr. Zafer ESKI, kaas oo ay ka wada hadleen kor u qaadida xiriirka shaqo ee labada dhinac iyo iskaashiga dib u dhiska kaabayasha dhaqaalaha dalka.

19-Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir ku saabsan maaraynta hubka, rasaasta iyo walxaha qarxo, Waa shirkii uga weynaa ee la qabto tan iyo intii Soomaaliya laga qaaday cuna-qabateynta hubka horaantii bishii December 2023-kii.

20-Wasiir Ku-Xigeenka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones, ayaa si wadajir ah u qabtay kulanka Dib-u-eegistii Hiigsiga Horumarinta USAID.