Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, oo ka dhacay Villa Somalia, kaas oo looga hadley arrimaha masiiriga sida doorashooyinka, dhameystirka dastuurka, abaaraha iyo dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka ee ajiibay gogoshii xukuumaddu ay u fidaisay 19 bishii Jannaayo 2026.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Muslimiinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani, iyagoo diiradda ku saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay, kaas oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, kana mid ahaa kulan-doceedyada muhiimka ahaa ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed midnimo iyo wadajir, isaga oo kula dardaarmay in ay u naxariistaan dadkeenna ay abaartu saamaysay.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Safiirka Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi . waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Qatar.
8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika,isagoo carrabka ku adkeeyey fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira dhinacyada dekadaha, beeraha iyo kalluumeysiga.
9- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u kala wareegay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad.
10- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa daah-furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan, isagoo hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 16-aad wada barnaamijka dood cilmiyeedka tartanka.
11- Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xqaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP u qaabilsan Soomaliya Hameed Nuru, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta horumarinta maamulka biyaha iyo adeegsiga hannaanka casriga ah ee xogta biyaha.
12- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada,kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, iyo bah-wadaagta si loo dardargeliyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.
13- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Danjire Muuse Jaamac Cali oo ah Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta nabadda iyo iskaashiga amniga ee gobolka.
14- Wasiirada Gaashandhiga ,Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kormeer ku tagay degaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo dib-u-dejin rasmi ah u sameeyeey qoysaskii ay horey uga barakiciyeen kooxda Khawaarijta degaannada.
15- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Claver Gatete, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, iyadoo kulanka looga hadlay dhinacyada ganacsiga iyo fursadaha maalgashiga ee ka jira Soomaaliya.
16- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.
17- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u furay kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab, isaga tilmaamay ahmiyadda mashruucan uu u leeyahay dowlad-dhiska dalka.
18- Wasiirka Batroolka Daahir Shire Maxamed ayaa maalin weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay in dalka Turkiga laga soo sagootiyay Markabka Cagri Bey, oo howlgal shidaal qodis ka sameyn doona xeebaha dalkeenna.
19- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige, ayaa shir guddoomiyay kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo a diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka hannaanka maamulka maaliyadda dalka.
20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac. ayaa la kulmay wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo uu horkacayey Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi Axmed Diiriye.
21- Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hambalyo u diray Ciidanka Cirka Soomaaliyeed munaasabadda sannad-guurada 66-aad ee aasaaskooda, iyagoo ku bogaadiyay doorka ay ku leeyihiin difaaca dalka iyo la dagaallanka argagixisada.
22- Dalka Turkiga ayaa laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona xeebaha dalkeenna.
23- War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay aqoonsiga sharci darrada ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay siisay gobolka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya , iyagoo mar kale adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
24- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey madaxda amniga iyo socdaalka ee Dowladda Soomaaliya go’aankii lagu ansixiyey naqshadda iyo daabacaadda Baasaboorka cusub ee Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC) ee Soomaaliya.
25- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cumar Cali Afrax ayaa guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha dhismaha waddooyinka iyo nidaamka bulaacadaha ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
26- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa kulan la qaadatay Kirsten Young oo ah madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya.
27- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jarmalka, Mudane Cabdulcasiis Maxamuud Maxamed ayaa si rasmi ah loogu guddoomay warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo ee dalka Hungary.