Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 13-ka February, 2026
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kuna bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed, guusha taariikhiga ah ee dalkeennu ku hantey kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, muddada 2026–2028.
2- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan bahda caafimaadka Soomaaliyeed, ee uu ka geeriyooday Dr. Cumar Aadan Cadde oo ka mid ahaa hormuudka caafimaadka dalka.
3- Madaxweynae Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Masar doorka muuqda ee ay dowladdiisu ka qaadanayso taageerada midnimada, madax-bannaanida, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Alsiisi oo si’ wadajir ah qabtay shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigeen muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarka iyo aragtida wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadda gobolka.
6- Wasaaradda Gaashaandhigga Masar ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u soo bandhigtay ciidamada ay u diyaarisay inay ka qeyb galaan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Doha ee Qatar kulamo miro dhal ah kula yeeshay mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Ciraaq u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Qahtan Taha Khalaf Al-Janabi,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Terminaalka cusub ee Arimas, oo laga hirgeliyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.
10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kormeer degdeg ah ku tagay Garoonka Aadan Cabdulle, ayaa amray in gabi ahaanba uu lacag la’aan yahay kaarka caafimaadka ee ay bixiso Wasaaradda Caafimaadka, kadib markii ay soo gaartay cabasho ka timid shacabka Soomaaliyeed.
11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha e Jarmalka, Niels Annen. Iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay danaha ka dhaxeeya labada dal.
12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan diiradda lagu saaray dib-u-habaynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalka, horumarinta manhajka, kobcinta xirfadaha macallimiinta iyo ballaarinta fursadaha waxbarasho ee dalka.
13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA.
14- Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay ka doodista Cutubka Shanaad ee Dastuurka KMG ah.
15- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aanka ay Dowladda Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu soo noqotey Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD).
16- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay miisaankeeda diblomaasiyadeed ee caalaamka, kadib markii loo doortay inay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga muddada u dhaxeysa 2026 ilaa 2028.
17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cali , ayaa magaalada Addis Ababab uga qeybgaley shirka heer wasiir ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (AU PSC), kaas oo diiradda lagu saaray hawlgalka AUSSOM iyo xaaladda Suudaan.
18- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa furay Shirka 8aad ee Garsoorka dalka.
19- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Kenya, Mudane Dr. Hon. Musalia Mudavadi.
20- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Aljeeriya, Mudane Sifi Ghrieb,iyadoo kulanka diirrada lagu saaray dhinacyada garsoorka, caddaaladda iyo is-dhaafsiga khibradaha.
21- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Riyaad kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Mustafayev, intii uu socday Bandhigga Difaaca Adduunka 2026.
22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa soo xiray aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayay habraaca xiriirka hay’adaha dowladda, inta lagu guda jiro xaaladaha degdegga ah,isagoo xusay in dowlada mudnaan siineysa Mideynta Farriimaha oo xambaarsan xog sugan.
23- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud ayaa booqday Maxkamadda Sare ee dalka Aljeeriya , kadib saxiixii heshiiska is-afgaradka ee lagu xoojinayay iskaashiga garsoorka iyo caddaaladda labada dal.
24- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada Johannesburg kulan la yeeshay maalgashadayaasha caalamiga ah, oo isugu jiray madaxda bankiga Empire Investment Bank ee dalka Shiinaha iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ee dalka Koonfur Afrika, Adv. Mtho Xulu.
25- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka hadlay Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen adeegyada waxbarashada goobihii laga xorreeyey Khawaarijta .
26- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ka hadlayay Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka, ayaa soo bandhigay guulaha la taaban karo oo laga gaaray ballaarinta adeegyada waxbarashada dalka, gaar ahaan deegaannada dhawaan laga xoreeyey kooxaha argagixisada.
27- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Cadaaladda Turkiga, Mudane Yılmaz Tunç,iyagoo kawada hadlay dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka ee labada dal.
28- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xarunta Isbahaysiga Waddamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) ee ku taal Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kula kulamay Xoghayaha Guud ee xarunta, Jeneraal Maxamed bin Saciid Al-Moghedi.
29- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud iyo Wasiirka Cadaaladda dowladda Aljeeriya mudane Lotfi Boudjemaa ayaa magaalada Algiers ee dalka Aljeeriya ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada garsoorka iyo caddaaladda labada dal.
30- Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada tacliinta sare iyo cilmi baarista.
31- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.
32- Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan gaarsiiyay qalabka isdiiwaangelinta doorashada golaha deegaanka.
33- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa magaalada Nairobi ka daahfuray Bandhigga Todobaadka Ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira labada dal.
34- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac oo booqasho shaqo ku joogay dalka Qatar, ayaa booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Sare ee Warbaahinta Al-Jazeera ee magaalada Dooxa ,isagoo wada hadal iskaashi laba dhinac ah la yeeshay Agaasimaha Machadka Eman Al Amri.
35- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa heshiis iskaashi ciidan la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir Khaalid Bin Salmaan, waxaana heshiiskan lagu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo milateriga ee labada dal.
36- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Riyaad laga qeybgaleu furitaanka Bandhigga Difaaca Adduunka,oo ka furmay.
37- gaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta,oo looga hadlay wadashaqaynta, iskaashiga iyo xog isdhaafsiga Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta.
38- Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qayb galay kulan sannadeedka diblomaasiyadda ee ka dhacay Madaxtooyada Kenya,oo uu martigeliyey Madaxweyne William Ruto, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah ee sannadka cusub.
39- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadoow, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha degaanka safiirka ee Safaaradda Soomaaliya ee Daar es Salaam.
40- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.
41- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macalin Xasan, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey shil diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
42- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamud ayaa kulan la yeeshay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Col. Wills.
43- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer rasmi ah ku tagay markabka dagaalka ee TCG SANCAKTAR ,oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo ku soo xirtay dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.


