Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jabuuti ugu qeyb galay Shir Madaxaxeedkii 14-aad ee Urur Gobeleedka IGAD oo sannadkan diirradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka gobolka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatey qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ka qeybgaley Shir Madaxeedkii 14-aad ee Urur Goboleedka IGAD oo ka dhacay Djibouti.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo ay ka wadahadleen xoojinta taageerada Soomaaliya.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay General Muhoozi Kainerugaba oo ah La Taliyaha Madaxweynaha Uganda, kaas oo Muqdisho keenay dhambaal uu ka siday Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo uu wehliyo Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding , iyagoo ka wadahadley habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo la filayo inay bishan bilaabato.

6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka Gobolka Sool oo ay ka wadahadleen sidii nabad loogu soo afjari lahaa colaadda ka taagan Laas Caanood.

7- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoonsiiyey lacag dhan 20 kun oo dollar muwaadin Soomaaliyeed oo ciidanka amniga la wadaagey xog ku saabsan weerar ay argagixisadu doonayeen inay ku waxyeeleeyaan shacab.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay barnaamij waxtar u leh dhaqaalaha Soomaaliya oo ah dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya oo la geynayo Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing.

10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya waxayna ka wadahadleen xoojinta wadashaqeynta labada dhinac.,

11- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ka furay Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo shacabku cabashooyinkooda ku soo gudbin karaan, laguna xoojinaya kalsoonida shacabka.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay Xarunta Gurmadka Deg-Degga ee Isbitaalka Madiina.

13- Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka, dib-u-eegista ku- talagalka Miisaaniyadda Dowladda 2023 iyo qodobo kale oo muhiim ah.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka ee dalka Zambia kaga qeybgaley Shir Madaxeedkii 22aad ee Suuqa Iskaashiga Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka kula kulmay jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan dalka Zambia.

16- Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista iyo La Socodka Hirgelinta Dastuurka Xildhibaan Xuseen Iidow oo uu wehliyo Xoghayaha Guddiga Senator Siciid Cabdi Xuseen {Cawke}, ayaa Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin ka guddoomay heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaad kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Sacuudiga Amiir Khalid bin Salmaan bin Cabdulcasiis .

18- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jarey xarunta labaad ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda ku yeelaneyso magaalada Kismaayo.

19- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya.

20- Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tababar ku saabsan xoojinta iyo tayeynta Afka Soomaaliga u furay qaar ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala warbaahinta qaranka.

21- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Muqdisho ka furay tababar ku saabsa tebinta wararka goobaha dagaalka, oo ay ka qeybgalayaan xubno ka socday warbaahinta qaranka.

22- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar la xiriira tebinta wararka xuquuqda carruurta.

23- Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo booqatey caasimadaha dowlad goboleedyada Puntland, HirShabelle iyo Koonfuur Galbeed, wadahadalna la yeelatey hoggaanka maamuladaas.

24- Khawaarijta oo weerarey Hotel Pearl Beach oo ku yaalla Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay halkaasi ka fuliyeen hawlgal deg-deg ah oo lagu soo afjarey weerarka, soona badbaadiyay shacab badan.

25- Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Cismaan Cabdulahi Maxamuud (Kaniif), ayaa Akademiyadda Booliiska ee Jeneral Kaahiye tababar xirfadeed uga furay saraakiil ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee taraafikada.

26- Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay Tuulada Buulla Maxamed Cabdalla oo hoos tagta degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

27- Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose waxay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo uu ku jiro horjooge.

28- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa gargaar aadminimo waxa ay gaarsiisay degmada Af-Madow ee Gobolka Jubbada Hoose.

29- Shir looga hadlayo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhacaya Nairobi, waxaana ka qeybgalaya Soomaaliya, Bankiga Adduunka, Hay/adda Lacagta Adduunka iyo xubno kale.

30- Booliska Gobolka Banaadir oo soo xiray Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdullaahi Maxamed Cali oo loo haysto eedeymo la xiriira musuqmaasuq.