Warbaahinta qaranka oo booqatay xaruntii ugu weynad ee khawaariijtu ku askarayn jirtay Caruurta

Kooxda khawaariijta ah ee ku caan baxday ka been sheegida iyo dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxay ku kacday jariimooyin iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ka dib markii ay ku kaceen in ay askareeyaan caruurta aad u da’ada yar taas oo kasoo horjeeda shareecada Islaamka,xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka Federaalka Soomaliya,deegaanka Al-kawsar oo hoos taga degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ahayd goobaha ugu waaweyn ee kooxdu ku tababarto caruurta ay askaraynayso.

Magaaladan ayaa dhowaan laga xoreeyey kooxda khawaariijta hawlgal ay ciidanka qaranka oo kaashanaya xoogaga dib u xoraynta deegaanku ka fuliyeen halkaas,warbaahinta qaranka ayaa deegaanka ku gaartay safar ay ugu kuur gelayso xaaladda deegaanka oo mudo gacanta ugu jiray kooxda khawaariijta halkaas oo ay warbaahintu booqatay goobihii kooxdu ku dhibaatayn jirtay caruurta ay xoogga kaga soo wadato waalidiintood.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in khawaariijtu caruurta xoog uga soo wadan jireen waalidkood ka dibna halkan ku askarayn jireen”meeshan waxay ahayd meel ay u yaqaaniin jamacadda,jaamacad na ma ahayn ee waa goob ay ku dhibaatayn jireen ilmaha masaakiinta ah,ilaahay ayaana ka xoreeyey,ilamaha halkan kasoo baxaa waxay ahaan jireen kuwa is qarxiya”ayuu yiri mid ka mid ah shacabka magaaladda oo la hadlay warbaahinta qaranka.

Kooxda ayaa sidoo kale shacabka ku khasbi jirtay in ay keenaan caruurtooda tan oo ka dhigan in kooxdu wax diin ah lahayn maadaama diinta islaamka ogolayn dulmiga loo geysto caruurta”jiingadahan waxay ku xerayn jireen caruurta,annaga way naga haajiriyeen waxay na dhaheen wax aad tihiin murtadiin naguna diin ma tihidin”sidaas waxa warbaahinta u sheegay qaar ka mid ah shacabka ku nool deegaanka Al-kawsar.

Sidoo kale kooxda khawaariijtu waxay xireen Schoolkii magaalada iyagoo u bedelay xabsi ay dadka ku ciqaabaan iyo xafiisyo,deegaanka ayaa sidoo kale waxa ka hayaamay xoollo dhaqatadii deegaanka ka dib culays iyo dhibaatooyinka joogtada ah ee kooxda khawaariijta kala kulmayeen.

Shacabka deegaanka Al-kawsar ayaa Dowladda iyo Ciidanka qaranka uga mahadceliyey in ay ka xoreeyeen kooxda khawaariijta oo deegaankan ka geystay tacadiyo iyo dhibaatooyin daran.

XIGASHO SONNA