Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ukraine

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda dalka Ukraine waxay sheegayaan in ciidamada Ruushka ay si buuxda ula wareegeen magaalada Melitopol oo dhacda gobolka koonfurta Ukraine ee Zaporizhzhya, wakaaladaha wararka Ruushka ee Interfax iyo Sputnik ayaa baahiyey qabsashada magaaladaas, iyagoo soo xiganaya wasaaradda gaashaandhigga Ruushka.

Melitopol waa magaalo weyn, waxaana u dhow dekedda ugu muhiimsan Ukraine ee Mariupol.

Dhanka kale gudaha Ruushka waxaa ka bilaawday banaan-baxyo looga soo hor jeedo duulaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, booliska magaalada Moscow ayaa xirxiray inta badan dadkii ku mudaharaadayey dowladda.