Changsha:- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Changsha Guddoomiyaha Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA), Mudane Chen Xiaodong, xilli uu wasiirku ka qeyb galayay shirarka heer-wasiir ee la xiriira fulinta iskaashiga FOCAC.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta, iyadoo xoogaa la saarayo mashaariicda mudnaanta u leh Soomaaliya, sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, tiknolojiyada, iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.
Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in iskaashiga horumarineed uu noqdo mid ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan) oo uu yahay hannaanka hagaya horumarka Soomaaliya, isla markaana uu fure u yahay wadashaqeynta caalamiga ah.
Dhankiisa, Guddoomiye Chen Xiaodong ayaa carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in CIDCA ay diyaar u tahay inay kor u qaaddo mashaariicda Soomaaliya laga fulinayo oo si toos ah u taageeraya baahiyaha nolosha bulshada, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta deegaanka.
Labada dhinac waxay isku raaceen in la dardar geliyo fulinta mashaariicda horay loo qorsheeyay, isla markaana la abuuro hannaan wada-shaqeyn joogto ah oo horseeda natiijooyin la taaban karo oo nolosha dadka Soomaaliyeed wax ka beddela.
Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada hagar la’aanta ah ee ay u fidisay Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.