War-Saxafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo War Rasmi ah ka soo saartay…..

Tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday Gogosha Wadatashiga Qaran Bishii Maarso 2025, waxa ay Dowladu waday Wadatashiyo joogto ah oo ay la laheyd dhamaan Madaxdii hore ee Dalka, Bulshada Rayidka ah, Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta kala duwan, si ay u dhageysato Talooyinkooda ku aadan Dhismaha Dowladnimo Casri ah, iyo Dimuqradiyeynta Dalka taas oo ka jawaabeysa Himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa in Arrimaha Masiiriga ah ee Dalka lagu xalliyo Wada-Xaajood, Wadatashi iyo Is-aAfgarad ku dhisan Dastuurka, Sharciga iyo Danaha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda waxa ay si buuxda u Aqoonsan tahay Doorka Muhiimka ah ee ay leeyihiin dhammaan Daneeyayaasha Siyaasadeed ee Dalka, Gaar ahaan marka laga arrinsanayo Hannaanka Doorashooyinka, Dhismaha Hay’adaha Dowladeed iyo Xasilloonida Nidaamka federaalka ah.

Iyadoo laga jawaabayo Baaqii ka soo baxay Shirkii qaar ka mid ah Mucaraadka ee la baxay Golaha Mustaqbalka ee ku qabsoomay Magaalada Kismaayo 18-20 December 2025, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay fidisay Gogol Wada-Xaajood Dhab ah, kana turjumaya Niyad-Wanaag iyo Mas’uuliyad Qaran. Gogoshaas oo si Rasmi ah uga furantay Madaxtooyada Qaranka (Villa Soomaaliya) 18 Febraayo 2026, iyadoo ujeeddadu ahayd in laga gaaro Is-Afgarad Ajendyaal hore loogu soo heshiiyey.

Ka hor inta aan la guda gelin Wada-Xaajoodyada, waxaa Kulamo Doceedyo loogu soo heshiiyey in Diiradda la saaro Saddex Qodob oo kala ah:

1. In la sameeyo Guddi ka soo Talo bixiya Arrimaha Doorashada Federaalka.

2. In la qabto Doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada.

3. In Bisha Abriil 2026 la qabto Kulanka Labaad ee Gogosha si loo sii Ambaqaado Hanaanka Doorashada federaalka ah.

Dowladda waxay Nasiib Darro u aragtaa in Maalintii koowaad ee Wada-Xaajoodka ay qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Mustaqbalka si kedis ah u beddeleen Ajendihii lagu Heshiiyey, iyaga oo ku soo daray Qodobo Cusub oo aan horey loogu Heshiin, kuwaas oo aan lahayn Sal-Dastuuri ah iyo Tixraac Sharci. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Golaha Mustaqbalku ay Talo toos ah ku yeeshaan Hannaanka iyo Maamulka Doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada kale, taas oo ah Arrin si Cad uga hor imanaysa Mabaadi’da ku xusan Dastuurka Dalka.

Dowladdu, iyada oo ilaalinaysa ruuxda Wada-Xaajoodka iyo Hannaanka Sharciyeed ee lagu heshiiyey, waxay muujisay Dulqaad, Dabacsanaan iyo Dadaal Joogto ah oo lagu ilaalinayo Ajendihii hore loogu heshiiyey, si Wada-Hadalladu u noqdaan kuwo Miro-Dhal ah. Waxaase Nasiib Darro ah in Golaha Mustaqbalku ay soo saareen Bayaan baal-marsan Habraacyadii, Nuxurkii iyo Ruuxdii Wada-Xaajoodyada Labada Maalmood socday, iyo kulamo-Doceedyadii Gogol-Xaarka u ahaa ee ka horeeyay, taas oo dhaawacaysa Geeddi-Socodka Wada-Hadallada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay markale ku celinaysaa in Albaabada Wada-Xaajoodku u furan yihiin Cid kasta oo diyaar u ah Wada-hHadal Dhab ah, iyada oo la ilaalinayo Dastuurka iyo Shuruucda kale ee Dalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaynaysaa in ay ka go’an tahay hirgelinta Hannaan Doorasho oo waafaqsan Dastuurka Dalka, kana turjumaya Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la ilaalinayo Midnimada qQaranka.

Dowladda waxay sii wadi doontaa Dadaallada ay ugu jirto Dhismaha Mustaqbal Qaran oo Mideysan, Nabad ah, Dimuqraadi ah, isla markaana ku dhisan Dowladnimo Waarta iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.

Dhammaad