War-saxaafadeed ka ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga dowladda FS ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa 1-dii iyo 2-dii Luulyo 2026 fuliyay duqeymo is xig-xigay oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee deegaannada Tawakal, Nuun Garre iyo Ugunji ee gobolka Shabeellada Hoose.
Duqeymahaas ayaa lagu dilay 27 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ah, halka labaatameeyo kale lagu dhaawacay. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaadiid, hub, saanad ciidan iyo fariisimo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

