Waxa goordhowed magaalada Muqdisho lagu soo xiray Shirweynaha gogosha wadatashiga qaran oo maalmahan ka socotay Muqdisho,shirkan ayaa waxa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban qoddobo door ah sida Arrimaha Doorashooyinka,ilaalinta midnimada dalka iyo dhamaystirka dastuurka.
Ugu horayn Madasha ayaa ku baaqday in deg deg loo qabto doorashooyinka heer deegaan si la isu soo gaarsiiyo doorashooyinka dalka,sidoo kale madashu waxay soo dhowaysay in la soo gudbiyo aragtiyaha dhamaystirka dastuurka iyadoo loo raacayo habraaca dastuurka.
Madashu waxay taageertay dagaalka dalka looga xoraynayo kooxa khawaarijta daacish iyo Shabaab oo ka socda gobolada Shabeellooyinka,Hiiraan,Galgaduud,Mudug iyo gobolka Bari buuraha Cal-miskaad.
Halkan ka akhriso Warmurtiyeedka oo faaj faahsan.