War-Murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha la-dagaalanka Khawaarijta oo Muqdisho ka socday

War-Murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha la-dagaalanka Khawaarijta oo maalmahaan magaalada Muqdisho ka socday,shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay in ka badan 700 oo ergay kuwaas oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Ujeedka shirkan ayaa wuxuu ahaa in si weyn looga qayb galo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo sidii dalka looga xorayn lahaa loona garab istaagi lahaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa waxa loogu baaqay bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada kala duwan ee dalka in ay si weyn uga qayb qaataan sidii dalka looga xorayn lahaa khawaarijta,soo xiritaanka shirkan ayaa waxa ka qayb galay oo khudbado kala duwan ka jeediyey qaar ka mid ah Golaha wasiiradda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda oo ka hadlay shirka ayaa yiri Wasiir Fiqi “Waxa la dhibaateynaayo, oo la beegsanayo waa dadkii aad matasheen, baraarugaan iyo in loo midoobo dagaalka khawaarijta waan idinkaga mahadcelinayaa.”

Waxa sidoo kale shirkan khudbad ka jeediyey wasiirka caafimaadka isagoo yiri Wasiir Cali Xaaji “Khawaarij meel walba ayeey ka soo qaxeen, waxana ay isugu yimaadeen deegaanadeena, aan u midowno ciribtirka iyo soo afjarkooda .”