Wakaaladda Wararka SONNA oo u Dabaaldegaysa Sanadguuradii 62-aad ee Aas-Aaskeeda

Muqdisho(Wargeysk Dalka):-Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa maanta oo Isniin ah u dabaaldegaysa Sanadguuradii 62-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay, taasoo ka tarjumaysa doorkeeda muhiimka ah ee tebinta Wararka Gudaha, Gobolka iyo caalamka, iyo horumarinta xirfadda Saxaafadeed ee Dalka.

SONNA waxaa la Aas-aasay Sanadkii 1964 ,si ay u daboosho baahiyaha Warbaahinta Dowladda ee la socodka iyo baahinta Wararka Bulshada. Intii u dhaxaysay 1969-kii ilaa 1990-kii, xilligii uu talada hayay Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre, Wakaaladdu waxay noqotay Isha rasmiga ah ee Wararka Dalka.

Kadib burburkii Hay’adihii Dowliga ahaa ee Sagaashamaadkii, Wakaaladda ayaa wajahday caqabado shaqo iyo kala qaybsanaan. Si kastaba, tan iyo sanadkii 2010, Hoggaanka Siyaasadda Soomaaliya ayaa xooga saaray dib-u-Dhiska iyo Horumarinta SONNA si ay u soo celiso Doorkeedii Heer Qaran, Gobol, iyo Caalami.

SONNA waxay ku dadaaleysaa kor u qaadista awoodeeda tebinta dhacdooyinka Qaran iyo Gobol, Horumarinta Xirfadda Shaqaalaheeda Saxaafadeed, iyo tayeynta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Macluumaadka. Waxa kale oo Wakaaladdu Wararka ku faafisaa saddex luqadood: Soomaali, Carabi, iyo Ingiriisi, si ay u gaarto dhegeysteyaal ballaaran. Adeegyadeeda, sidoo kale, waxa ay siisaa Warbaahinta Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay warar iyo Warbixinno oo ku saabsan Gudaha iyo Dibadda.

Agaasimaha Wakaaladda, Ismaaciil Cumar Mukhtaar “Oronjo,” oo ka hadlay Xuska sanad guurad 62aad ee Warkaaladda Wararka SONNA , ayaa bogaadiyay dadaallada Shaqaalaha SONNA ee qaybaha kala duwan, isagoo xusay sida ay ugu heellan yihiin soo gudbinta Wararka iyo Warbixinnada dhabta ah. Isagoo si gaar ah uga warbixiyay wax qabadka SONNA ee ku aadan tabintdhinacyada a Howlgallada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Diyaar-arowgii Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Gobolka Banaadir iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, xadgudubyada joogtada ah ee Israa’iil ku heyso Qaranimada Soomaaliya, iyo tabinta Wararka Gobolka, Caalamka, iyo Warbixinnada Bini’aadanimada.