Waiirka Arrimaha Gudaha XFS oo khudbad ka jeediyay Shirka Xukuumadda Federaalka Saxiibad Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa khudbad uu kajeediyay shirka Xukuumadda Federaalka ah iyo Saxiibada Soomaaliya oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac

Shirka ayaa looga hadlayay Siyaasadda loo dhanyahay, geedi socodka, caqabadaha iyo hiigsiga 2024-ka waxaa uu dul istaagay wasiirka arrimo ay ka mid yihiin sooyaalka qaran dhiska, caqabaha, fursadaha iyo ahmiyadda iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Ugu horreyn, Mudane Ahmed Moallim Fiqi waxaa uu khudbaddiisa uga hadlay caqabadaha uu dalkani ka gudbay tan iyo 1991-kii kuwaas oo dib u dhigi lahaa qaran dhiska, arrimahaas oo looga guulaystay biseyl siyaasadeed, adkeysiga umadda Soomaaliyeed iyo garab istaagga saxiibada Soomaaliya.

“Ujeedka fadhigeenna kuma koobna in laga doodo Siyaasada loo dhanyahay, balse waa dadaallo wadajir ah oo lagu qaabeynayo helidda Soomaali horumarnsan, adkeysi leh, oo iskuna filan” isaga oo Intaasi raaciyey ahmiyadda in siyaasadda la toosiyo si aan loo gelin khatar dowladnimo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi waxaa kale uu ka hadlay howlgallada dowladda Soomaaliya ee dalka looga xorreynayo Shabaab, taas oo sida uu sheegay keentay in gacanta lagu dhigo 800 oo KM, lagana hirgeliyay xasillin iyo adeegyo kala duwan, iyada oo guulo badan laga gaaray, dib loo howlgeliyay adeegyo sida Iskuullo, isbitaallo, leyrar, biyo, garsoo iyo qaar kale oo ay adkeyd in ay dadku helaan xiliigii ay ku hoos jireen Argigixisada.

Dhanka kale, Mudane Ahmed Moallim Fiqi waxaa soo hadal qaaday Heshiiskii madasha ee Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) oo ilaa 5 gaarayay oo ahaa baahinta fedelaaleynta sida qeybsiga awoodaha, doorashooyinka oo waqtiyeysan iyo guud ahaan qaab dhismeedka Federaalka ah oo fursad u noqon karta dowlad dhiska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu dul istaagay Hannnaanka Dhab u heshiisin qaran oo hannaan mideysan oo Dib u heshiisiin, isaga oo bogaadiyay dowlad goboleedyada ay ka socdaan howlaha dhab u heshiisiinta. Waxaa kale oo uu soo qaatay in Wasaaraddu ay hirgelisay Nidaamka hagidda iyo khariideynta khilaafyada oo sahlaya kahortag iyo yareynta colaadaha iyo kobcinta dhaqanka nabadda iyo wada noolaashiyaha

Arrimaha uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi uga Hadlay khudbadiisa waxaa ka mid ah;  Hannaanka Aqoonsiga Qaran iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo fursaha looga baxayo garan waaga, Laguna helayo xuquuqaad dastuuri ah iyo sida uu uga qeyb qaadanayo xasillinta.

Ugu dambeyntii, mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya si loo joogteeyo horumarada laga gaaray dowlad dhiska, waxaa uu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo taagerada beesha caalamka ee qorshayaasha xukuumadda ee 2024-ka.