Wafdi Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal oo ka qayb galay shirka Shanaad ee madaxda Baarlamaannada Carabta

Wafdi Xildhibaanno ah oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka koobnaa Senator Cabdixakim Macallim Axmed, Senator Abdi Osman Xareed iyo Xildhiban Jamac Maxamed Askar ayaa ka qayb galay shirka shanaad ee madaxda Baarlamaannada Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Shirka oo lagu ansixiyay sharci ku saabsan sidii looga hortagi lahaa cunta yaraanta laguna kobcin lahaa wax soo saarka beeraha ee Wadamada Carabta ayaa waxaa khudbadda Baarlamaanka Somaliya shirka ka jeediyay Senator Abdihakim Moallim Ahmed.

Wafdiga iyo madaxda kale ee Baarlamaannada carabta ayaa sidoo kale kulan la qaatay Madaxwaynaha Dalka Masar Cabdifitax Siisii iyo madax kale oo shirka ka soo qayb galay sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Afrika.