Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee cadowga laga xoreeyay.
Wefdiga waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Masuuliyiin, saraakiisha ciidanka iyo shacabka reer Aadan-yabaal oo isu soo baxay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidanka iyo bulshada qeybaheeda, warbaahinta Qaranka ayaana idinla socodsiin doonta xogta safarkaan oo faahfaahsan.