Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka .
Wafdigaan oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in maanta ay la kulmaan jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaaladaasi,iyagoo ka warbixin doona xaaladda dalka iyo horumarada kala duwan ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya.
wafdi uu hoggaaminayo R/Wasaare kuxigeenka XFS waxaa mudada sadexda cisho ah ee ay joogaan Mareykanka ay sidoo kale ka hadli doonaan qorshaha isbadalka qaran ee ay waddo xukuumadda dan qaran iyo muhiimadda ay leedahay xoojinta dowladnimada iyo nidaamka federaaliska.