Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Ceeldheer(Wargeyska Dalka):-Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa Maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirro, Xildhibaanno Heer federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Boqollaal ka mid ah Shacabka Degmada Ceeldheer oo isugu soo baxay soo dhoweynta Wafdiga.

Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo hadal ka jeediyay Munaasabadda soo dhoweynta, ayaa sheegay in Shacabka Ceeldheer ay Soomaalida u muujiyeen sida looga difaaco dalka Khawaarijta, isla markaana ay jab culus u geysteen iyagoo garab istaagay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee difaacay Degmada.

Waxa uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay dhammeystirka xoreynta Deegaannada ay weli ku sugan yihiin Khawaarijta, isagoo Shacabka Ceeldheer ka codsaday inay Codkooda siiyaan Ururka JSP, oo uu uga sharaxan yahay Hoggaanka Galmudug.

 

 

IMG-20260726-WA0004.jpgIMG-20260726-WA0003.jpgIMG-20260726-WA0005.jpg