Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jabuuti oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah uga billaabaneysaa caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn looga dareemayaa caasimada dalka iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka.

Hay’adaha ammaanka ayaa Muwaadiniinta sharafta badan ee Soomaaliyeed ka dalbanaya in ay dulqaad muujiyaan maadaama isu socodka la adkeeyay si amniga martida loo sugo.