Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka guddida xalinta khilaafadka oo ku wajahan Baydhabo

Wafdi ka socda Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo uu hogaaminayo gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay u safray magaalada Baydhabo ee caasimada ku-meelgaarka ah Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga ayaa waxay korjoogto ka ahaan doonaan doorashada 3-da xubnood aqalka sare BFS.

maamulka Koonfur galbeed ayaa maanta soo gabo gabaynaya doorashada kuraasta aqalka sare xubnihii ugu dambeeyey.