Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo gaaray Magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle,iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Garoonka diyaradaha Shaati Gaduud Wafdiga Guddoomiyaha waxaa kusoo dhaweeyey Wasiiro,Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Baay, Kan Degmada Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Wafdiga Guddoomiyaha u gareen Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada oo looga hadlaayo xaaladaha bini’aadanimo ee wadanka,kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta ayna ka qeybgalayaan Wasiirada Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka ka jira,Gobolka Banaadir ,wakiilo ka socda Beesha Caalamka kaas oo malamaha soo socda ka furmaya Baydhabo.