Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Isxaaq Cabdi oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Mohamuud Maxamed Khayre, Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdifataha Maxamed Ibraahim Biano, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta KG iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray maanta degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Ujeedada Safarka Masuuliyiintaan ayaa ah  u kuur galida Xaladda Guud ee Degmada iyo Diinwan gelinta Ciidanka Daraashiista maamulka KG ee kusugan Berdaale.

Mas’uuliyiinta ayaa Maamulka Degmada iyo Sarakiisha Ciidanka  ku soodhaweyey Degmada Berdaale,waxaana ay kormereen xafadaha iyo goobaha bulshada iskugu Timaado.