Wafdi uu hogaaminayo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraalle oo gaarey degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraalle (Raaxeeye) oo kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee deegaannada hareeraha Wabiga Shabeelle ee dhaca Koonfurta Beledweyne.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda degmada Beledweyne Cabdiraxmaan Diini, odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, saraakiil ciidaan iyo siyaasiyiin ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Xildhibaanka.

Deegaannada Xildhibaanka iyo xubnaha wafdigisa ay gareen waxaa kamid ah Bur-daar Tarashante, Beera-yabaal, Nuur-Fanax iyo kuwa kale oo aay ku suganyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xorreynta deegaanka.

Mudqne Maxamed Cabdullaahi Buraalle (Raaxeeye) ayaa ciidanka ku wareejiyay deeq xoolo ah, waxa uuna ciidanka dib—u-xorreynta deegaanka ku ammaanay, sida aay ugu dhiirradeen in aay iska dulqaadaan khawarijta  isla markaana deegaankooda ka difaacdaan.

Dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Hiiraan ayuu Xildhibaanka ugu baaqay in aay ciidankaasi garab ku siiyaan dagaalka aay khawarijta kula jiraan.