Wafdi saraakiil ah oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidanka xoogga ee Jubbaland

Wafdigaan oo uu hoggaaminaayey Taliyaha qeybta 12-ka April Jeneraal Xuseen Maxamuud Cosoble iyo ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidanka qalabka sida Xasan Tarsan ,waxaa Magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Jibbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal.

Wafdigaan ayaa booqday xerooyinka ciidanka ee ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo,iyadoo halkaasi ay ku soo dhoweeyeenTaliyaha qeybta 43 aad ee ciidanka dhulka G/sare Nuur Mahad Xasan iyoi saraakiil kale.

Wafdigaan ayaa warbixin ka dhageystay maamulka ciidanka ee ka howlgala Jubbaland,waxayna halkaasi hambalyo ugu gudbiyeen ciidanka xoogga oo maalmihii la soo dhaafay guullo ka soo hooyay dagaalada looga horjeedo kooxaha khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada Jubbaland.

Dhowaan ciidanka xoogga ayaa  jab xoog leh u geystay kooxo nabad-diid ah ,iyadoo halkaasi lagu dilay tiro badan oo argagixiso ah,isla markaana laga furtay hub badan oo ay wateen.