Wafdi ka socday WHO oo booqasho ku tagey Sheybaarka Dhexe, Isbitaalka Martiini iyo Machadka Caafimaadka Qaran ka

Wafdi ka socday Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa booqasho maanta ku tagey Sheybaarka Dhexe, Isbitaalka Martiini iyo Machadka Caafimaadka Qaran ka.

Wafdiga waxaa xarumaha kusoo dhaweeyey Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka ahna Agaasimaha waaxda Daaweynta Qalabka iyo Xarumaha Wasaarada Caafimadka Dr. Maxamed Maxamuud Cadoow.

Ujeedadda booqashadda wafdiga waxa uu ahaa u kuur gelidda habsimi u socodka holwaha shaqo ee goobaha ay ooqdeen, waxayna bogaadiyeen howsha baaxadda leh ee ka socota.

Sidoo kale wafadiga ayaa ka dhageestay warbixino madaxda qeybaha ay booqdeen taas oo ku saabsan holwaha ay bulshadda Soomaliyeed u ahayaan, iyo caqabadaha jiro.

Ugu danbayna xubnaha Wafdiga ayaa balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda Caafimaadka wixii caqabado ah oo jiro iyo sidoo kale in ay bogaadinayaanhowlaha aad ka u baaxadda weyn ee socda goobahaas.