Wafdi ka socday Hey’adda Maareynta Masiibooyinka SODMA oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdigaasi waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Xubno uu kamid ahaa Wasiirka Gargaarka Galmudug ee xilka baneynaya, Cabdiraxmaan Makaawi iyo Mas’uuliyiin kale.

Xubnaha ka socda Hey’adda SODMA waxa ay Magaalada Dhuusamareeb kaga qeybgalayaan Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya (Country Humanitarian Forum oo haatan qabanqaabadeedu ay ka socoto Magaaladaasi.