Algers: Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha ah ee 44-aad ee Guriyeynta Afrika (44th Annual General Meeting of Shelter Afrique), oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria.
Wasiir Xayd iyo wafdigiisa waxay shirkan ku metelayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud, iyaga oo ka qeyb qaadan doona wada-tashiyo muhiim ah oo la xiriira ajandayaasha shirka.
Inta uu socdo shirku, oo ah muddo afar maalmood ah, waxaa lagu falanqeyn doonaa arrimo ay kamid yihiin: sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta qalabka dhismaha ee laga keeno dibadda qaaradda Afrika, iyo sidii wada-shaqeyn iyo iskaashi ballaaran looga yeelan lahaa hirgelinta mashaariicda guriyeynta ee laga fulinayo dalalka Afrika, oo ay Soomaaliya kamid tahay, shanta sano ee soo socota.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran waxaa u soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Howlaha Guud ee Dalka Aljeeriya Iyo Danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego).