Wafdi ka socda Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Mogamed Rafie Abaraya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Cismaan, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya C/fataax C/llaahi Xasan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka.

Wafdigan soo gaaray Muqdisho ayaa hordhac u ah wafuud kala duwan oo lagu wado in ay soo gaarayaan dalka, kuwaas oo ka qeyb galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo dhaceysa 9-ka bishan.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddiga qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha, kuwaasoo ka shaqeynaya sidii xafladda caleemo-saarka madaxweynaha ugu qabsoomi laheyd si habsami leh oo heerkeedu sarreeyo.
Xafladda ayaa la filayaa inay kasoo qeyb galaan wufuud heer caalami ah oo isugu jira Madaxweynayaal, Ra’iisul wasaarayaal, Wasiiro Arrimo dibedeed, danjireyaal iyo mas’uuliyiin ka kala imaaneysa dowladaha caalamka.