Wafdi ka socda Heya’adda WHO oo booqday Xarunta SODMA

Wafdi ka socda Hey’adda Cafimaadka Aduunka ee WHO ayna horkacayso Madaxa xiriirka Cafimaadka Ms. Erna ayaa maanta booqasho ku timid xarunta dhexe ee SoDMA.

Wafdigaan waxaa xarunta dhexe ee SoDMA ku soodhaweeyey Lataliyaha sare ee ka Jawaabista xaaladaha deg-dega ah iyo Masuuliyiin katirsan Hey’adda SoDMA waxaana kulankaan inta uu socday looga hadlay sidii loo hormarin lahaa xogaha qasaaraha ka dhashay meelo badan oo dalka ka mid ah, in si joogta ah loo wadaago xogaha dadka ay saameyen fatahaadaha iyo daadadka isla markaana la isla kaashado sidii wax qabad mideysan loo gaarsiin lahaa dadkaas fatahaadaha iyo daadadka ElNiño ay sameyeen.