Wafdi ka socda guddiga doorashooyinka heer federaal oo gaaray magaalada Kismaayo

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federal Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Xubnahan ayaa u gaaray magaalada Kismaayo sidii loo dardar gelin lahaa dhammeystirka doorashooyinka goob-doorashada labaad ee Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa horay u cayimay goob doorashada labaad ee Jubbaland, waxayna guddiga SEIT jubbaland shaaciyeen jadwalka doorashada 16-ka kursi oo lagu qabanayo degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.