Wafdi ka socda Dowladda FS oo kormeeray xerada tababarka Ciidanka ee Gobolka Bakool

Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeer dhiirigalin ah ku tagay  xerada tababarka Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobolka Bakool.

Wafdigaan oo ay sidoo kale kamid ahaayeen saraakiil ciidan waxaa  horkacaayey xildhibaan C/laahi Balaag ,kuwaas oo la kulmay boqollaal dhallinyaro ah oo la doonayo in lagu biiriyo ciidanka qaraka,kuwaas oo hadda ay u socdaan ama qaadanaya tababar ciidan,gaar ahaan aqoon ku saabsan barashada xirfadaha khuseeya difaaca iyo ilalinya dalka.

Xildhibaan /Laahi Balaag oo la hadlay ciidankaasi qaadanana tababarka ayaa ka mahadceliyay dadaalka dowladda ay ugu jirto in dhallinyarada Gobolka Bakool loo abuuro xirfado ay ku difaaci karaan deegaanada gobolkaasi iyo guud ahaan dalka.

Wafdigaasi ka socday Dowladda Feeraalka waxaa xerada tababarka ciidaka ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan guutada sagaalaad ee qeybta lixdanaad,iyadoo halkaasi lagu daawaday dhoolatus ciidan oo ay soo bandhigeen dhallinyarada cusub ee uu u socdo tababarka ciidan.

Kormeerkaasi waxaa kaloo ka qeybgalay xubno ka sovday maamulka Gobolka Bakool iyo qaar kamid ah hoggaamiyaasha ururada bulshada.