Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wafdi ballaaran oo ka socda Dalka Uganda, kana kooban Agaasimayaal, Saraakiil iyo Ganacsato, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Danjiraha Uganda u fadhiya Soomaaliya, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare, iyo Diblumaasiyiin ka tirsan Safaaradda Uganda ee Muqdisho ayaa Garoonka ku soo dhaweeyay Wafdiga.
Wafdigan ayaa Muqdisho u yimid ka qaybgalka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda iyo Kulanka Sannadlaha ah ee Guddiga Joogtada ah ee Iskaashiga Soomaaliya iyo Uganda (JPC), kuwaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta Xiriirka Labada Dal iyo horumarinta Iskaashiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha.
Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa Warbaahinta u sheegtay in Kulamadan ay fursad muhiim ah u yihiin sii xoojinta Xiriirka Labada Dal iyo kobcinta Iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay martigelinaysa Kulamadan, kaddib markii Uganda ay hore Laba jeer u martigelisay.

