Wafdi ka socda ciidanka Özel Harekat ee Yurkiga oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi Saraakiil ah oo ka socday ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Özel Harekat ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta Xerada Haramcad ee General Farxaan Mohamoud Qaroole.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo wada-shaqeynta ciidanka gaarka ah ee labada dal. Wafdiga ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadista awoodda hawlgal ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran.

Taliyaha Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, ayaa uga mahadceliyey wafdiga Özel Harekat booqashadooda, isagoo xusay in kulankani uu yahay mid muujinaya xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya labada ciidan.