Wafdi ka socda Baarlamaanka JFS iyo xubnaha guddiga fulinta ururka midowga baarlamaanada carabta oo gaaray Algeria

Wafdi ka socda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud oo xubin ka ah guddiga fulinta ururka midowga baarlamaanada carabta ayaa gaaray Wadanka Algeria,halkaasi oo ay uga qeyb geli doonaan fadhiga 36-aad ee shirka midowga baarlamaanada carabta oo ay sanadkaan marti gelineyso Dowladda Algeria.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Algeria kusoo dhoweeyay Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka ee dalkaasi Mudane Zalem Zantar.

Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud oo shirkaasi ku matali doona guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu hor-geyn doonaa Ajendaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee la xiriira shirkaasi.