Wafdi isugu jira Xildhibaano &Sarakiil Ciidan oo gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Wafdi isugu jira xildhibaan katirsan golaha Shacabka, Wasiiro katirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo Saraakiil Ciidan ayaa maanta  lagu soo dhaweeyay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Xubanha wafdiga gaaray Maxaas ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye,  Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey,  Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Wasiir Wasaaradda Waxbarashada Hir-Shabeelle Maxamed Dheere, waxaana qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka dhulka Gen.Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha qeybta 27-Aad Gen.Tawane Axmed Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka wafdigaan ee degmada Maxaas ayaa ahaa u kuurgelida xaaladda amni ee degmada iyo degaannada hoostaga iyo sidoo kale dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda degaanno badan oo katirsan gobolka Hiiraan.