Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda Haweenka Soomaaliya oo gaarey Magaalada Baydhabo

Wafdi heer federaal ah oo ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska Marwo Khadiijo Maxamed Diiye ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay

Sidoo kale wafdiga waxaa  qeyb ka ahaa wasiirada wasaaradaha haweenka ee dowlad goboleedyada dalka, waxaana Baydhabo ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda haweenka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Ujeedada socdaalka mas’uuliyiintan ee magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegey iney tahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen xuska munaasabada sanad guurada 4-aad ee madaxweyne Cabdicasiis iyo arimo kale.