Waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir & WHO oo ka wada hadlay sare u qaadidda howlaha caafimaad ee gobolka

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banadir Dr. Cabdirahman Axmed Maxamuud iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee Soomaaliya oo kulan ka yeeshay horumarinta iyo tayeynta caafimaad ee Gobolka Banaadir, iyagoo wada gorfeeyey muhiimadda ay leedahay helitaanka adeeg caafimaad oo laysku haleynkaro.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la hubiyo hufnaanta howlaha mashaariicda ee la xariira arrimaha caafimaadka, taasoo haddii si togan looga wada shaqeeyo suura-gelinaysa in la helo adeeg caafimaad oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba loogu qanci karo, waxtarna fiicanna u leh bulshada kunool caasimadda Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, labada Agaasime ayaa isla meel dhigay sidii Gobolka Banaadir iyo WHO uga wada shaqeyn lahaayeen arrimaha la xiriira hubinta iyo tayada adeegga caafimadka Gobolka Banaadir.