Waare” Nabad-diidka waqtigooda waa dhammaaday,”.

Madaxweynihii hore maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo wareysi gaar ah siiyay SONNA, ayaa ka warbixiyay howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab ee ka socda dalka, wuxuuna sheegay inuu soo dhammaaday mashruucii nabad-diidka ee shacabka ay ku gumaadi jireen.

Mr. Waare ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra’iisal wasaare Xamsa ay ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro argagixisada iyo in mashaariic horimaneed laga fuliyo deegaannada laga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Sidoo kale, Maxamed Cabdi Waare, madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa wareysiga ku sheegay in Al-shabaab kaliya ku soo koobmeen dhibaateynta bulshada, sida in ay ceelasha bur buriyaan, shacabka laayaan iyo in ay dhaqaalo baad ah ka qaataan shacabka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ah, wuxuuna howlgalka iyo kacdoonka shacabka ku tilmaamay mid ahmiyad gaar ah u leh dalka si loo helo Bulsho amni ah oo nabad ku wada nool.

“ Dagaalkaan argagixisada lugula jiro waa mid dawladu ay wado, wakhtigaan wixii ka dambeeya nimankaas waxay ku joogi karaan anaga rabitaankeena, nabad diidku wakhtigoodi waa dhamaaday sidaan aaminsanahay balse wakhtiga lugu sifaynayo yuusan nala dheeraan,” ayuu yiri Mr. Waare.

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay uga garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, wuxuuna tilmaamay in dowladda ka go’an tahay xoreynta dalka.