WAAD DHISTEEN WAADNA QURXISEEN LAAKIIN WAA QAALI

Muddooyinkii dambe magaaladda Xamar ee caasimadda dalka waxaa isa soo tarayey nabad gelyada ay ku naaloonayaan dadka reer Muqdisho taas oo sababtay in ay qurba joogta ku soo laabtaan dalkooda hooyo, oo ay dib u maalgeliyaan.
Waxaa soo kordhay Daaro dhaadheer iyo dhismayaal aad u qurux badan, ganacsiyo heer walba leh oo isugu jira maherado iyo Deegaanno waxaanay qeyb ka yihiin bilicda magaaladda Xamar oo caasimad u ah gayiga Soomaaliyeed.
Dadka Soomaaliyeed waxay isugu jiraan saddex qeybood oo kala ah, kuwa ladan oo ah maalqabeenno, dabaqada dhexe iyo kuwa danyar ah.
Haddaba maxay tahay sababta dhismaha daaraha dhaadheer ee soo kordhay ay lacagtoodu aad u badantahay? Haddii ay lacagtooda aanay awoodin dadka Soomaaliyeed ee dal-joogta ah taloow yaa loo dhisay daarahaasi quruxda badan?
Su’aalahaasi iyo dhowr kale oo badan ayaa ku geedaaman dhismayaasha heerka sare loo naqshadeeyey ee Xamar ku soo siyaaday.
Kuwaas oo badankooda u dhisan hab casri ah oo barkood wiishash loo raaco intay dherar la egyihiin, halka qaarkood nuurkooda iyo muraayadaha ku xiran ay aad kuu soo jiidanayaan, qaarna waxaaba lagu galayaa aqoonsiyo.
Sideedaba guri aduunka waa halka lagu nasto ama hooy ahaan loogu noolaado, milkiila ahoow ama kireyste, taa beddelkeeda waxaan aragnaa milkiilayaasha daaraha dhaadheer Xamar ka dhisanaayo ay aad u badiyeen lacagta kirada.
Fooq walba oo qurux badan waxaa ku hoos gudban lacag aanan yareyn, taas oo aanay awoodin kireysteyaashu.
Yaa kireysto guryaha? Inta ugu badan waxaa kireysata dhalinyaro u badan iskaabulo ah ee aanan awoodin kharashkaasi badan, taas oo sababtay inay iskula dagaan laba ama saddex dhalinyarro ah, sidoo kale waxaa iyagana Guryaha Xamar ka kireysata qoysas danyar ah balse aan haweysan dabaqyada casriga ah sababtoo ah qaarkood waxay kasoo guureen collaadda khawaarijta ay dalka ku hayaan halka kuwa kalana ay abaarta xoolahoodi galaafatay ay ka soo barakaceen.
Dadka guryahaan dhisanayo waxay ka fakerayaan un waa lacag ama sidii ay ku soo celin lahaayeen kharashkii kaga baxay dhismaha fooqyada dhaadheer ama dabaqyada, balse ma oga dadka ay doonanayaan in ay ka kireystaan in ay yihiin dad aanan awoodin lacagahaasi tirada badan keliya waxay eegtaan waa qiimaha guriga ka galay ama in ay qurba joog ama dadka uu Alle wax siiyay u dagaan.
Xaafaddaha qaar ee magaalada Muqdisho ayaa amni darro looga soo hayaamay oo qof waliba oo dowlad ama hay’ad lug ku leh wuxuu miciin biday kiro isaga oo heli kara xaafad uu ku noolaado balse uu u baqay amnigiisa iyo badqabkiisa.
Amniga Muqdisho oo soo hagaagaya xilliyaddii dambe haddane waxaa jiro kooxo burcad ah oo dhac iyo dil ka geysto xaafadaha qaar, waxay taa sababtay in degmooyin cayiman ay dadka qaar amni u soo raadsaaan, waxaana fursad u arko dadka degmooyinkaasi guryaha ku leh ee milkiilyaasha ah oo ku qaaliyeeya karada dadkan ay danta iyo duruuftu biddey oo ka faa’ideystay duruuftooda.
WQ: Osman Dhiblaawe