Wadaniyadu waa jaceylka qofka uu jecelyahay dhulkiisa hooyo taa soo keenta in qofku uu ku farxo marka wadankiisu uu ku jiro marxalad wanaagsan kana murugoodo marka wadankiisa uu ku jiro marxalad xun kuna fikiro siduu dhibtaas uga saari lahaa dadkiisa.
WAA MAXAY FAA’IIDADA AY LEEDAHAY WADANIYADU?
1. hadii aad wadani tahay oo aad jeceshay dhulkaaga una danqanayso ma awoodo cadawga wadankaadu inuu usoo han qal taago wadankaada
2. hadii aad tahay wadani dhab ah waxaad tahay qof xushmad iyo qadarinba ku leh wadankiisa oo aad looga jecelyahay .
3. hadii aad tahay wadani marka aad dhimato waxaad tahay qof qaaliya oo wadanka ka baxay dadkuna kuma ilaawi doonaan oo markastana waxaa ku xusi doonta taariikhda dahabka ah.
4. hadii aad tahay wadani waxaad calaamada ama tusaalle u noqoneysaa bulshada adiga kaa danbeeysa
WAA KUMA WADANI?
Wadani waa midka dhib iyo dheefba la qeybsada bulshadiisa oon meelna u dhaafin kuna fikira siduu dhibta uga saari lahaa bulshadiisa hadii ay ku jirto.
WAA MAXAY FARQIGA U DHAXEEYA WADANI IYO MUWAADIN?
wadani kaste waa muwaadin laakiin muwaaadin kaste ma ahan wadani, si kale qof kaste waa noqon karaa muwaadin laakiin ma noqon karo wadani tusaale hadii aad tagto wadan shisheeye oo aad joogto mudo dhowr sano ah waxaa macquul ah inaad qaadato sharciga dhalashada wadankaas oo aad noqoto muwaadin laakiin ma tihid wadani waana taas farqiga u dhaxeeya wadani iyo muwaadin .
WAA MAXAY WADANIYAD XUMO?
Wadaniyad xumo waa marka aad indhaha ka daawato iyadoo dalkaadii iyo dadkaadiiba ay dhib ku jiraan oo aad tiraahdo
maxaa iga galay ? si kale hadaan u dhahno waaba midka ay ku shaqeystaan dowladaha shisheeye si uu ugu fuliyo danahooda gaarka ah taas badalkeeda isagoo dalkiisa iyo dadkiisaba ugu badalaya dhib iyo qaxar waana midka loo yaqaaano calooshiis ushaqeystaha.Ugu danbeytii fadlan adigoo arkaya wanaaga xumaanta ha qaadan waxaan ula jeednaa adigoo arkayaa wadaniyada ha dooran wadaniyad xumada amaba adigoo noqon karaa wadani dhaba ah.
WQ: C/salaam M. Yaasiin