WAA MAXAY SABABAHA LOO AANEYNAYO ISBEDDELKA CIMILLADA?

Sida ay ku soo warameen aqoonyahannada ama khuburrada cilmiga Sayniska ayaa sheegay arrimaha loo sababaynayo isbaddalka cimillad Afrika gaar agaan Soomaaliya.

Bulshada ku nool Afrika ayaa inta badan nolashooda ku tiirsan tahay cimillada maadaama nolasha boqolaal milyan oo qof oo Afrikaan ah ay ku tiirsan tahay roobka.

Cimillada qaaradda oo aan isku mid ahayn aadna u kala geddisan, ayaa sababtay in isbadalka cimillada Afrika laga fisho waxyaabo badan oo la yaab leh gaar ahaan Soomaaliya.

Heerka isbaddalka cimillada Soomaaliya ee laga filan karo ayaa ah mid baaxad leh oo ballaaran.

Koonfurta iyo woqooyiga soomaaliya ayaa ah labada meelood oo cimilladood u dhaxeeeyo farqi aan badnayn walow ay xiliyada qaar aad u kal duwan yihin.

marka la eego heerka la qabsiga iyo u dulqaadashada isbadalkaasi cimilada ayaa ah mid aad u hooseeyo marka loo fiiriyo dunida inteeda kale.

fakhriga iyo saboolnimada la dagtay Soomaaliya ayaa miisaanka dhibatada cimillada sii cuslaynaya, halka dowladduna ay ku guuldaysatay in arrintan isbadalka cimilada ay muhiimad gaar ah siiso, amaba xil wayn iska saarto, walow aysan dadka iyo dawladuba ku baraarugsanayn cawaaqibka ama dhibka ka dhalan kara haddan hadda laga hor tagin.

haddii laga tusaalo qaadan lahaa Cimillada qaaradda Afrika ayaa ah mid aad u kala geddisan oo aan hal dhinac laga eegi karin.

Lama degaanka Saxaraha ayaa ah lama degaanka ugu ballaaran caalamka isla markaana ugu kulul caalamka.

sida ay sheegeeen quburada Cilmiga Sayniska iyo saadaasha hawada Laga soo billaabo 1960 waxaa aad u soo yaraanayay roobabka ka da’a qaaradda Afrika, gaar ahaanna waddamada ku yaal saxaraha iyo kuwa ka hooseeyba, arrintaa oo markii dambe sababtay macalluul galaafatay nolasha boqolaal kun oo qof isla markaana ay ku barakeceen malaayiin qof oo kale.

Soomaaliya isbadaka cimida in wax badan iska badaleen waxaa laga ogaan karaa, sanadkii waxaa ka da’a sadex xili roobaad oo kala ah Xagaaga, Dayrta iyo Gu’ga, xiligan aan ku jirno waa xiliga Dayrta mana di’in roobkii lagu yaqaanay, mana gaarsiisna.

Isbaddalkaasi cimillada Afrika ayaa horseeday duufaannada Idai iyo Kenneth bishii Maarso ku dhuftay waddamada Mozambique, Zimbabwe iyo Malawi.

Duufaanta Kenneth ayaa qaaday waddo aan laga filayn oo waxa ay martay qeybo ka mid ah dalka Tanzania.

Horumar badan ayaa hadda laga sameeyay saadaasha hawada balse dhibaatadu wali waa mid taagan.

taariikh ahaaan Soomaliya waxay soomartay abaaro aad loogu hoobtay ama logu dhammaaday Dad iyo Duunyaba, kuwaas oo laga dhaxlay Gaajo, Macaluud, Barakax iyo Qaxooti intaba.

Marka laga soo tago goballada qaar wali lama arag abaar sidaa u daba dheeraata dunida inteeda kale Isbadalkaasi ayaa la saadaalinayaa in uu ka sii dari doono tobanaanka sano ee soo socda.

Sida badan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladdooduba maahan kuwo cashar ka qaata oo ka gaashaanta si aysan mar kale u soo noqon,taa badalkeeda waxay kaalmo way diistaan beesha Caalamaka.

kaalmada beesha caalamka maahan wax si bilaash ah lagu siiyo ee waa dayn ama amaah la sii siinayo oo hadhow laga doonayo, kaalmadu waxay ka kooban tahay lacag caddaan ah, raashin aan sida badan tayo dhawr la soo marin oo liita soomaaliyeey [ qoom bahani gob maahan].

WD: Nimco C/fataax (Sagal)