Musuqmasuq waa lunsasho hantida dadweeyne sidoo kale musuq maasuqu waxa uu kadhici karaa qaybaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweeynahaba
Tusaalooyinka musuqmasuqa waxaa kamid ah
Laaluush, wax isdaba marin, qaraabo-kiil iyo musuq maasuq doorasho.
SIDEE MUSUQMAASUQU NOO SAAMEEYEY ?
Somaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada sida aad ka ah u saameeyey musuq maasuqa waxayna kaaalmaha hore kaga jirtaa wadamada musuq maasuqa ragaadiyey,
Musuqa anaga nahaysta waxuu inta badan ka jiraaa ama ka dhacaa haayadaha dawlada Iyadoo masuuliyiin farabadan oo soomaaliyeed ay caado ka dhigteen in ay dhunsadaan hantida dadwaynaha ee ka dhaxaysa Ee loogu talagaley in loo adeegsado in lagu horumariyo kaabayaasha sida waddooyinka, hagaajinta hay’adaha dadweynaha sida iskuullada iyo isbitaallada.
Maasuqmaasuqa sidoo kale sida weyn noo saameeyey waxaa kamid ah mid ka laaluushka
Masuq maasuqa laaluushka waxa uu dhacaa marar badan waxa uuna ka dhex dhacaa hay’adaha dawlada sida xafiisyada iyo golaha baarlamaanka soomaaliya
Musuq maasuqa kale ee nahaysta waxaa kamid ah midka qaraaabo kiilka
Waxa uu kadhacaa midkaan shacabka dhexdiisa isagoo u dhaca si qabyaaladaysan
DHIBAATOOYINKA MUSUQ MAASUQA
Musuq maasuqa waxaa laga dhaxlaa saboolnimo , shaqo la’aan iyo burcad nimo,
Musuq maasuqu waxaa uu khal khal galinayaa bulshadeena sidoo kale waxa uu u keenayaaa cabsi ku noolaansho
Waxa uu wiiqayaa dhaqaalaha dalka waxa uu is hortaagaya horumarka iyo dawladinmada
Sido kale waxa uu iimaan la’aan ku ridayaa siyaasiinteena
Horta musuqmaasuqa waa lagu kala aragti badalan yahay, laakiin isku soo duubo waxaa lagu macnayn karaa shay aan la dhigin meeshii ugu saxsanayd in la dhigo ,tusaale danbi la galo waxaa ugu yar qashin inaad wadada ku tuurtid, wixii ka wayna waa musuqmaasuq bal ila fiiri waa maxay musuqmaasuq?
In la curtaamiyo haayadaha dowlada sida
- in la curyaamiyo wasaaradaha dowligaa.
●In la curyaamiyo baarlamanka dowligaa.
●In la curyaamiyo haayadaha cadaalada.
●In lakala diro ciidamada qalabka sida.
●In labaabiyo ilaha dhaqaalaha wadanka.
●inaan la ilaalin baaxada dhulka soomaaliyed.
●Inaan la ilaalin isku haynta umada soomaaliyeed.
●inaan la ilaalin wax soo saarka wadanka.
●Inaan la ilaalin suuqyada lageeyo wax soo saarka soomaalida.
●Inaan la ilaalin maslaxad kasta oo ay leedahay umada soomaaliyed.In intaas iyo ka badan lagu dhaco oo danbiya iyo kee culus wiil shaqaalaa oo la baxay waxun lacaga oo qasnada ku jirtay?
Waxaa lagu kala qeexi karaa qof tuuga oo guri usoo dhacay shayna ka qaatay iyo qof kale oo tuuga oo u dhacay qof kasta oo soomaalya gurigiisa kana qaatay wax kasta oo yaalay sababtooy tahay masiirkii umada buu xunbaarsan yahay qofka madaxdaa
danbiyada kor ku xusan qofkii madaxa oo ku dhaca xilkiisa wuu ku waayayaa waana qiyaano qaran xabsina wuu mutaysanayaa meesha qofka tuugaa laga rabo wuxuu qaatay kaliya ,haduu bixiyana kaliya shaqadiisa kuwaayayo
SIDEE UGA HORTAGI KARNAA MUSUQMAASUQA ?
1-in laxiisaabiyo ama latirakoobo masuuliyiiinta dawlada inta aysan xilka qaban hantidooda.
2-in sidoo kale latiri kooba hantidooda masuuliyiinta dowlada marka ay xilka kadagayaan.
3=in dawlada ay ku ilaaliso hay’adaheeda mashaariicda wadanka laga fulinayo lacagta loogu tala galey sida ay u baxdey xisaabtana lala sameeyo.
4-in lakeeno ama laga shaqaaleysiiyaa haydaha dawlada dad iyagu xirfad uleh hawlaha ay qabanayaan.
5-in laga gudbo qabiilka kaas oo keenaya musuq maasuqa qaraabo kiilka ah.
WQ: C/salaam M. Yaasiin