WAA MAXAY KAALINTA DHALINYARADA SOOMAALIYEED (QEYBTA 2-AAD)

4) Waa inuusan u qaban waxa uu qabanayo Hebel baa qabte adna qabo, lkn waa inay tahay wax isaga ka go’an oo naftiisa iyo Dadkiisaba anfacaya. Si aad u noqoto qof bulshada wax wayn u taraya waxna ku soo kordhiya.

5) Ogow inaad tahay qof xilka u weyn ee la saarey uu yahay inuu waxbarto, Dadaalo, Shaqeeyo kuna hamiyo si uu naftiisa iyo dadkiisaba u anfaci lahaa, ugana miro dhaliyo kharashkii iyo tacabkii la galiyay heerna u gaarsiiyo bulshadiisa.

6) Ogow in waajib kaa saaran yahay wax qabadka dhulkii iyo Deegaankii aad ku soo barbaartay waxna ku baratay. Mana ah mid halkan lagu soo koobi karo.

Hadaba dhalinyaroy markaan usoo laabano sida uu xaalkeenu yahay xaqiiqdii waxaa muuqata dib u dhac iyo habacsanaan. war miyaanan awoodin inaan

maanta meel ka soo wada jeesano oo an qaybsanaanta iyo kala qoqobnaanta ka gudubno, oo waqtigii iyo waayihii ina soo maray wax ku qaadano, oo aan u midowno sidii aan Garab iyo Gaashaan ugu noqon laheyn bulshadeena,

Diifta iyo Jahliga ka muuqdana an uga saari laheyn inagoo adeegsaneyna cilmigeena iyo cududeena, Aan ku dayano asaageen oo maanta tiiksaday inay dayaxa tagaan, oo ka tashaday masiirkooda iyo aayahooda.

Waa suurto gal intaa iyo in ka badanba Waxay ku xiran tahay feejignaanta, Isku duubnida, wax wada qabsiga dhalinyarada, iyo inaan yeelano aragti fog iyo Hami dheer. Waxay ku xiran tahay baraarujinta iyo bislaynta bulshadeena.

Waxay ku xiran tahay bahda qalinka oo bulshada hanuuninteeda iyo hagaajinteeda har iyo habeen heegan u ahaada.

Waxay ku xiran tahay dhalinta oo hurdada ka toosta oo dhan u wada jeesata.

Waa maxay Doorka Dhalinyaradu ku leedahay Hormarka, Bulshada, iyo DDD?

Dhalinyaradu waa awood aan la loodin Karin oo Allah nagu maneystay cida uu doonana uu ugu gargaaro, cida uu doonana uu ku duleeyo.

Nebi Muhamed (nnkh) waxuu yiri: “Waxa laygu gargaaray dhalinyarada”, waxa kaluu yiri: “Waxa ii gargaaray dhalinyarada markii Odayaashu i diideen”

Hadaba waa maxay doorka la gudboon dhalinyaradeena iyo xilka ka saaran umadooda, maxaa yeelay horumar gaari mayno, dhibaatada ina haysatana kama bixi karno ilaa dhalinyaradu gartaan doorkooda iyo waajibaadka saaran.

Waxaan qurmadan kusoo bandhigayaa dhawr arimood oo hadii aynu ku dhaqaaqno, mustaqbalkeena uu rajo yeelandoono.

  1. Inay noloshooda ka dhigaan mid istiraatiijiyad ku dhisan:-

Taana waxaan uula jeedaa inay noqoto nolol ujeedo leh, waayo qof aan garanayn waxuu doonayo iyo waxuu u noolyahay noloshiisuna foodo ku dhisan tahay waxba kama bedeli karo mujtamaca uu la noolyahay.

  1. Inay qabyaalada meel iska dhigan :-

In aan qabyaalada meel iska dhigno una qaadanno qofkii qabyaalad isticmaalo ama ku dhaqmaa oo dhallinyaro ah in uu yahay adoon liita, qurun ah, wax bakhtiyay oo kale oo aan mar danbe sheeko lala wadaagin, la jaro lana takooro.(Qabyaalad takoor).

  1. Inay meel iska dhigan ku haleynta iyo ka sugida odayaasha qaarkood daneystayaasha gumeysi kalkaalka, calooshood u shaqeystayaasha ah ee waa  in ey dalka dadka iyo diin ay samotabixinayaan
  2. Inay siyaada qayb ka noqdan:-

WQ: C/salaam M. Yaasiin