WAA MAXAY HIV AIDS?

HIV waxay u taagan tahay fayraska hoos u dhigga difaaca jirka bani’aadamka. HIV wuxuu dhaliyaa AIDS. Cudurka eydhiska waxaa laga soo gaabiyay Acquired Immuno deficiency syndrome (AIDS).

AIDS wuxuu u taagan yahay Astaanta la qaado ee hoos u dhaca difaaca jirka. La qaado micnaheedu waa wax aan layska dhaxlin.

Hoos u dhaca difaaca jirka micnihiisu waa burburka difaaca nidaamka difaaca jirka. Astaanta (syndrome) waxaa loola jeedaa cuduro badan oo laga yaabo inay la xiriiraan cudur kale. Xaaladaan, cudurada ka faa’iideysta nidaamka isdifaaca jirka oo daciifa ayaa loo isticmaalaa in AIDs ku ka mid yahay.

Waxaa aad u daciifa habdhiska difaaca ee qofka waxuuna u nuglaadaa cudurada loo yaqaano fursad sugayaal (opportunistic infections).

Xanuun walbaa waxa uu leeyahay marxalado bilow ah kuwaas oo badanaa saadaaliya in qofkan ku soo food leeyahay xanuunka uu astaamihiisu isku arko, sidaa darteed maaha inaad fudaydsato isbedel walba oo caafimaad oo ku dhaca jidhkaaga, mararka qaar madax xanuun yar ayaa laga yaabaa inuu astaan u yahay xanuun wayn oo aanan waxba laga qaban karin mustaqbalka hadii aana hadda la xakamayn, mar walbana ka hor taggu waxa uu ka wanaagsan yahay is dawaynta.

Waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa qaar kamida calaamadaha ugu muhiimsan ee qofka fayraskani dhiigiisa ku faafo dareemo marxallada bilowga, badanaa hadii uu tallaabada saxan qaado waxaa laga yaabaa in dib loo dhigo ama la hakiyo xawaaraha uu ku fidiyo fayraskani ama la siiyo dawooyin kor u qaadaya habdhiska difaaca jidhkiisa uguna deeqaysa sannado dheeraad ah inuu sii noolaado.

CALAAMADAHA LAGU ARKO QOFKA.

Dadka qaar ee qaba cudurka eydhiska waxaa laga yaaba in aan wax calaamad ah lagu arkin marka laga reebo hergab joogta ah, qandho, madax xanuun, qanjiro barar.

Maqaarka oo ay nabro ka soo baxaan. Miisaanka qofka oo hoos u dhac weyn ku yimaado (qofka oo caato noqda). Dhiig la’aan joogta ah.

Naqaska oo qofka ku dhago. Matag iyo shuban. Xasuus la’aan saa’id ah.

1- Qandho Qandho lama filaan ah xilliyada qaar waxa laga yaabaa inay tahay hargab fudud laakiin hadii ay soo laalaabato ama si joogto ah aad u dareento waa inaadan waqti lumin oo aad samaysaa baaritaan, waxay ka mid tahay astaamaha ugu waawayn ee bilowga xanuunkan.

2- Daal HIV waxa uu si toosa u saameeya awooddaada u adkaysiga xanuunada waxa uuna yareeyaa heerka tamarta jidhkaaga.

3- Muruq Xanuun Nin muruqu xanuunayo Waxa aad xanuun ka dareentaa is goysyada, lugaha iyo dhabarka oo waxa kugu adkaanaya qabashada hawlaha caadiga ee maalin laha ah.

4- Madax xanuun & Dhuun xanuun Gabadh madaxu xanuunayo Habdhiska iska caabbinta ee jidhkaaga ayaa daciifaya taas ayaa fudaydinaysa in xanuunadu ku soo weeraraan.

Badanaa waxaad cuncun ka dareentaa hunguriga waxaadna leedahay madax xanuun joogto ah maalintii ilaa habeenkii mararka qaar.

5-Dildilaaca maqaarka Maqaarka ayaa afhayeen u ah jirka, Hadii ay maqaarka ka muuqdaan dilidilaacyo cuncun wata waxay tilmaamaysaa inaad xanuunkan dhibane u tahay.

6- Miisaanka oo yaraada Hadii cuntadii aad jeclaan jirtay inaad cunto iska kaa soo xirto jirkaaguna bilaabo inuu lumiyo miisaanka waxay kamid tahay astaamaha HIV.

7- Qufac qalalan Hargab qalalan oo wata dhegdheg ku haraya cunaha waa calaamadaha ugu waawayn ee HIV.

8- Dhididka habeenkii Habeenkii waxaad u rafaadaa sidii aad u heli lahayd hurdo fiican, is rog roggaaga labada dhinac ayaa badan adiga oo ay ku adag tahay neefsashadu, daalkaas badan ee ka dhalanaya waxa uu keenaa dhidid joogto ah heer kul kasta.

9- Ciddiyo jabaya oo aan caafimaad qabin Ciddiyaha qofka ayaa dabca oo billaaba jabitaan sidoo kalana waxay yeeshaan midabka jaallaha.

10- Waxa kugu adkaanaya fahanka iyo u fiirsashada Jirka aan caafimaadka qabin waxa uu kugu hagayaa maskax aan caafimaad qabin, waxaad si joogto ah u dareentaa daal dhinaca maskaxda ah waxaana aad ku adag fadhiisinta maskaxdaada xilliga shaqada.

Astaamahaa aan soo xusnay hadii aad isku aragto latasho dhakhtar inta aadan go’aan qaadan.

Sidee baad u qaadeysaa HIV?

HABKA UU KU GUDBO

  1. In cirbadaha la wadaago: La wadaagida qalabka laysku duro qof qaba HIV.
  2. Galamada: waxaa lagu faafin karaa iyadoo loo galmoodo qof qaba HIV aana la isticmaalin wax kaa ilaaliya. HIV waxaa lagu faafiyaa badanaa galmada aan la isticmaalin kondhom, wadaagida irbadaha laysku duro.
  3. Hooyada qabta HIV inay ilmaha qaadsiiso inta uu uurka ku jiro, markuu dhalanayo ama naas nuujinta. 4. Dhiig ku shubid.

Sidee looga hortagi karaa xanuunkan?

LATACAALIDA CUDURKA.

Ugu horayn cudurkaan waa laga hortagi karaa ka hortaguna wuxuu aad uga fiican yahay daawaynta. Hadaba si aad naftaada uga ilaalisid khatarta xanuunkan dilaaga ah samee sidaan.

  1. Ka fogow isticmaalka irbadaha iyo sakiinta horay loo soo isticmaalay 2. Ha sameen galmo aadan iska hubin qofka aad la samaynaysid. 3. Ka fogow taabashada dhiigaga iyo dheecanaada Dadka kale.                                                                         4. Isticmaal galoofis hadii aad qof dhaawaca ama jiran caawinaysid                                                                    5. Inta badan cudurka eydhiska wax daawo sax ah ma lahan, waxaad siin kartaa daawooyin kaalmaati ah sida -Antiretroviral drug.

WD: C/salaam Maxamed Yaasiin