Af soomaali ahaan Farxad eray ka xeel dheer oo sheegaya macnaha dhabta ah ee aan uga dan leenahay waxa igala habboonaaday erayga “Xasilooni” oo aan is idhi isagaa ujeeddo ahaan uga dhaw erayga Af-carabiga ah ee “Asacaada السعادة”.
Sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in aynu qeexno si ujeeddada aynu rabnaa inoogu iftiinto…
Guud ahaan waa dareen, Saddex siyaabood oo kala duwan kugusoo mara. Taas oo ku xidhan xagga waqtiga iyo kolba muddada aad dhex mushaaxdo dareenkaas.
Ka u horeeyaa waa farxad yar oo kooban uun; Ka labaad waa markaad waqti dheer hesho farxaddaas; ka u dambeeyaana waa ka kula noolaado inta ugu badan nolashaada. waana ka ugu wanaagsan.
Tusaale:
• Mar waa raaxo uun: sida adiga oo gaajo qabay, oo cunto helay; adiga oo haraaddanaa, oo biya cabbay; adiga oo luloonaayay, oo hurdo seexday; iyo baahiya kale oo la mid ah oo dhammaantood ku eeg markaad hesho wax ku baahi tira.
• Marna waa farxad gaaban: waa mid kaa hore kasii yara badan. Waa waxaad dareento marka aad gaadhi cusub iibsato, guri aad dhisato, shaqo aad hesho; marka aad qalin-jabiso, marka aad guursato iyo waxyaabaha la midka ah.
• Marna waa Xasilooni joogto ah: Dareenka noocani waa markaad ku xasisho farxadda muddada ugu dheer amaba inta aad nooshahay waa mid ka xeel dheer kana waqti badan kuwii hore waana nooca u dambeya oo ah ta aynu u dan leenahay.
Waa wax goorkasta iyo goob kasta aad haysato. waa sacaado, Waa halka ay qormadeenu u socoto iyo farxadda aynu ka hadlayno.
Waxyaabaha lagu garto in aad ku sugantahay dareenka noocan ah waxa ka mid ah: waxaad noqon qof ku qanacsan wax kasta oo uu haysto; Kuna sabra xaalad kasta oo uu ku jiro; una dul qaata dhibka, gafka iyo qaladaadka kaga imanaaya deegaanta iyo dadka ku xeeran. Waa midda kaa dhigta qof isku kalsoon. Allihii abuurtay iyo diinta islaamkana si dhab ah u aaminsan…Farxaddu waa mid ka mid ah natiijooyinka guusha.
Waa waxa dhadhan iyo macno u sameeya wax kasta oo kale oo aad haysato; hadday tahay Maal, Magac iyo Mansab intaba. Kuuna suurta galiya in aad ku raaxaysato wax yar iyo waxa badan labadaba.
Faqiirka aan hanti kale lahayn iyada mooyaane; wuxuu ka ayaan badan yahay taajirka xoolaha badan haytsa laakiin ka aradan farxad iyo xasillooni.
WQ: C/salaam M. Yaasiin